Home » Maxaa Cusub » Mino Riola Oo Hoos U Dhigay Wararka Mario Balotelli La Xiriirinaya Kooxda Arsenal

Mino Riola Oo Hoos U Dhigay Wararka Mario Balotelli La Xiriirinaya Kooxda Arsenal



Wakiilka weeraryahanka Milan Mario Balotelli ninka lagu magacaabo Mino Riola ayaa hoos u dhigay wararka kooxda Gunners la xiriirinaya xidigaan reer Milan ee la hadal hayo inuu ka tagayo garoonka Sansiro Stadium.

23-jirkaan heerka caalami ayaa lasoo sheegay inuu doorbidayo ku biiritaanka Arsenal xili ciyaareedka soo aadan xili xidigaan uu waji gabax kala soo kulmay koobka Aduunak ee Brazil ka socda.

Si Kastaba Milan ayaa ku warantay in weeraryahankii hore Manchester City Mario Balotelli uusan iib aheyn xili Wenger uu doorbiday inuu Mario la tartansiiyo ninka dheer ee Olivier Giroud.

“Mario wuxuu qandaraas kula jiraa Milan, kooxda ayaa ii yeertay iyadoo ii sheegtay inuusan jirin wax bixitaan ah” Riola ayaa u sheegay RaiSport, “Ma aadin Brazil lamana kulmin Arsene Wenger” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mino Riola oo ah wakiilka ugu badan ee ciyaartoyda qaarada yurub.

Mario Balotelli ayaa dhaliyay 18-gool, 41-kulan oo uu Milan u saftay xili ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close