Wakiilka Weeraryahanka Kooxda Paris Saint Germain Zlatan Ibrahimovic ninka lagu magacaabo Mino Riola ayaa weeraray tababaraha Bayern Munich Pep Guardiola iyo Kooxda Barcelona madama aysan wax tixgalin ah siinin xidiga reer Sweden mudadii uu ku sugnaa Camp Nou.
Ibrahimovic ayaa hal sano oo uga dhib badneyd 10-sano ku qaatay garoonka Camp Nou isagoo lacago fara badan ku yimid kooxda sidoo kalana waxaa heshiiska uu Barca ku yimid qeyb ka ahaa Samuel Eto’o oo markaas ku biiray Inter Milan balse tixgalin uu ka waayay Pep Guardiola iyo Kooxda ayaa sababtay inuu kursiga galo inkastoo markii dambe ay amaah ugu dirtay kooxda Milan ka hor inta uusan heshiis rasmi ah la gaalin Milan.
Mino Riola ayaana weeraray Pep Guardiola oo xiligaas macalin u ahaa Barca madama uusan wax tixgalin ah siinin Zlatan Ibrahimovic.
“Wuxuu ahaa boqorka Inter Milan, balse bixitaankiisa qofna kama xumaan, Pep Guardiola ayaana hoos u dhigay sumcada xidigaan iyadoon wax sharaxaad ah laheyn”
“Weydii Guardiola waxa uu ahaa qaladkaas, Kama jawaabi karo, sababtoo ah maba dareensana inuu qalad galay, balse waxey dhib u tahay caqligiisa”
“Hadii aad xidig kasoo bixisay €79 million isla markaana aadan ula dhaqmin si wanaagsan waa qasaaro naadiga usoo hoyatay, wakiilada qaar waxaan uga digi doonaa iney xidigaha waaweyn u ogolaadaan Barcelona” ayuu mar kale yiri.
“Waxba igama quseeyaan hadda, ma tixgelin doono kooxda hadii aysan tixgelin ciyaariyahankeyga”
Wakiilkaan ayaana xidiga ku booriyay inuu ku biiro PSG isagoo markaas noqday xidiga ka mid ah xirfadlayaasha haatan laga qiimeeyo aduunka.
“Waan hubaa in Ibrahimovic uu yahay xidig heer sare isla markaana mustaqbalka dhaw uu PSG u qaadi doono Champions League”
“Barca iyo Guardiola waa laba aan aqoon sida loo sharfo xidigaha waaweyn ee leh sumcada”