Home » Maxaa Cusub » Mikel Arteta Oo Beeniyay Inuu Arsenal Xagaagan Isaga Tagi Doono

Mikel Arteta Oo Beeniyay Inuu Arsenal Xagaagan Isaga Tagi Doono


6E819FDC51478E5C32743E4D4EAAF

Waaya araga kabtanka u ah kooxda Arsenal Mikel Arteta oo siweyn saxaafada caalamka u hadal heesay inuu xagaagan garoonka Emirates isaga tagi doono ayaa arinkan beeniyay wuxuuna xidigan tayada wanaagsan sheegay inuu Arsenal kasii mid ahaan doono sidoo kalena uusan booskiisa halis ku jiri wuxuuna yiri “waxba kama jiraan wararka sheegayo inaan Arsenal ka tagaayo mana ku fikirin arinkaan haatan fasax dheer ayaan ku maqanahay markii aan soo laabto Emirates ayaa dib ugu soo laaban doonaa”

Waxaa siweyn loo hadal haayay in Arteta uu ku biiri doono naadiga Athletico Bilbao si uu booska Ander Herrer oo Man United ku biiray u buuxiyo balse Arteta ayaa sheegay in weli laga jecel yahay Arsenal wuxuuna yiri “waxaan ku faraxsanahay ka mid ahaan shaha Arsenal sidoo kalena waxaan doonayaa inaan koobab badan kooxdeyda kula guuleesto sidaa darteed qorshaha iiguma jirto inaan London ka hayaamo xagaagan” 32-jirkan Arsenal kusoo biiray sanadii 2011 ayaa wargeska El Mundo Deportivo u sheegay inuusan ku fikirin xiligaan la joogo inuu dib ugu laabto La Ligaha Spain, inkastoo Arteta sheegay inuu jecel yahay kasii mid ahaan shaha Arsenal hadana macalin Arsene Wenger ayaa suuqa Yurub ka baadi goobayo xidigo khadka dhexe ku wanaagsan waana sababta keentay in joogitaankiisa Arsenal shaki la galiyo.


Close