Halyeegii hore ee xulka England Michael Owen horeyna ugu soo cayaaray kooxda Real Madrid ayaa sheegay inuu isaga sabab u yahay inay Madrid ku guuleesato markeedii 10-aad koobka horyaalada Yurub, weeraryahankan oo adeegsanaayay aalada Twitter-ka kadib markii ay Madrid koobka qaaday ayaa afka kala furtay wuxuuna soo dhigay Twitter-ka qoraal dheer oo uu ku leeyahay inuu isaga sabab u yahay hanashada Madrid ee La Decima waayo Owen ayaa sheegay in sanadii 2005 markii ay Madrid ay isaga lacago badan New Castle kaga iibsatay kadib ay isla lacagtaas kula soo saxiixatay Sergio Ramos oo Real ka bad baadiyay guuldao kulankii Finalaha ahaa.
Wuxuuna Owen yiri “aadban ugu farxay lacagtii ay iibkeeda Madrid ka heshay cayaryahankii ay kusoo iibsatay inuu guuldaro ka bad baadiyay sidaa darteed aniga ayaa sabab u ah in Real ay markeedii 10-aad ku guuleesati Champion-ka!’ waxaa naga xasuusin ah kooxda New Castle ay Owen ku iibsatay £16.8 million sidoo kalena maalmo kadib waxay Real Madrid €27 million kaga soo iibsatay Sergio Ramos kooxda Sevilla sidaa darteed hadalka Owen kasoo yeeray ayaa muujinaayo in xidigan bixitaankiisa iyo imaatinkii Ramos uu xiriir toos ah ka dhaxeeyay madaama lacagtii Real ay Owen ku iibsatay ay si toos ah naadiga Sevilla ugu wareejisay waxana kula soo saxiixatay Sergio Ramos oo xili cayaareedkan Real Madrid gacanta u galiyay koobka horyaalada Yurub markeedii 10-aad!