Laacibka kooxda Manchester united Michael Carrick ayaa aaminsan Marouane Fellaini uu saameyn ku yeelan doono kooxda unitedk gaar ahaan kulanka caawa ee derby Manchester isagoona xusay inuu xitaa gool ka dhalin karo kooxda Manchester city.
Fellaini ayaa ku biiray kooxda horyaalka isagoona ku yimid lacag dhan £28m, markii uu kazoo hayaamay kooxda everton waxaana laacibka reer belgaim uu hadda soo muujinayaa awooda dhexe ee kooxda unitedka.
“Hadda waa kulan weyn oo aan kala hortagi doono naadiga City,kulamada noocaan o kale ahnaa waxaad u baahantahay inaad heesato laacibiin awood u leh inay ciyaaraan si macquul ahna guul keenaan ayaa laga soo xigtay laacibka qadka dhexe kooxda Manchester united isagoo u sheegay jariirada dalka ingiriika ee The Mirror.
Waxaa jira laba fursadood waaxaaa kooxda jooga Tom Cleverley, Anderson ,xitaa waxaa jooga macalin taf ah (David Moyes)sidaa aawgeedna waa rajo inaan guuleesanaa kulanka derby Manchester ee garoonka Etihad Stadium.