Xidiga khada dhexe Man United u agaasimo sidoo kalena ka mid ah laacibiinta aduunka ugu wanaagsan Michael Carrick iyo noloshiisa gaarka ah ayaan maanta idiin heynaa, Halyeegan guusha saaxiibka la ah sidoo kalena miisaanka ku leh kubada England laga cayaaro uma baahno in wax bada laga sheego waayihiisii cayaareed ee quruxda badnaa balse waxaan si gaar ah uga hadli doonaa heerarka kala duwan oo ay noloshiisa gaar ah soo martay. Fadlan hoos ka bogo:
Lisa Roughead waa gabadha Carrick u dhaxdo waxayna labadan lamaane si rasmi ah u aqal galeen June 16, 2007 waxaana la yaab ah in isla maalinkaas uu Carrick aqal galaayay in saaxiibadiis xulka England ay ka wada tirsanaayeen Gary Neville iyo Steven Gerrard iyagana ay aqal galeen!
Lisa iyo Michael ayagoo aad u dhalin yar ayay isdoorteen waxayna ku wada balameen waagii dugsiga sare ay wada dhiganayeen inay is guursadaan dabcan sanadii 2007 ayay riyadas u rumowday labadan lamaane waxaana haatan u joogo wiil iyo gabar oo lagu kala magacaabo Louise iyo Jacey.
labadan lamaane iyo caruurtooda waxay ku nool yihiin guri lagu qiimeeyay £4million kuna yaao xafada Cheshire, inkastoo Lisa Roughead uu seygeeda yaha shaqsi caan ah lagana yaaqano daafaha caalamka oo idil hadana gabadhan ma jeclo inay ismuujiso ama ay kasoo muuqato goobaha ay bulshada u badan sida garoomada iyo meelaha lagu dalxiiso taasina waxay keentay in inta badan aysan saxaafada hadal heynin labadan lamaane waana sababta keentay in xiriirkooda uu noqdo mid dagan sidoo kalena leh sal aad u adag!