In Alexis Sanchez uu ku biiro Arsenal waxaa ka haray cirbad caaradeed xili Jariirada Metro ay ku warantay in weeraryahankan reer Chile iyo kooxda Arsenal ay isku afgarteen inuu saxiixo heshiis shan sano ah isla markaana uu qaato mushaar ka badan midka uu haatan ka qaato kooxda Barcelona.
Gunners ayaa kusii siqeysa iney soo afjarto heshiiska Alexis Sanchez kaas oo loo sheegay inuu ka tagi karo garoonka Camp Nou madama Bulgarana ay damacsan tahay saxiixa Luis Suarez.
Arsenal ayaana u muuqata mid ka xoog badnaatay kooxaha Liverpool, Ac Milan & Juventus kuwaas oo isku dayay iney xidigaan leexsadaan waxaana la isku raacay in Gunners ay Barcelona faraqa ugu shubi doonto 32 Malyan Oo Pound, waxeyna Metro ku warantay in 25-jirkaan uu heshiis la gaaray Arsenal.
Jariiradda Metro oo xiganeysa RAC1 radio aya iclaamisay in Alexis Sanchez uu u dulay London si uu u dhameystiro heshiis shan sano ah oo uu Arsenal u saxiixayo isagoo isbuucii qaadan doona 150,000 Pound.
Alexis Sanchez ayaa horay kaga qaadanayay Barcelona aduun dhan 75,000 Pound, wuxuuna la mid noqon doonaa saxixa ugu qaalisan Arsenal Mesut Ozil.
Hehiiska ayaa la rajeynayaa in la dhameeyo maalmaha soo aadan, waxaana Alexis uu caafimaad ku mari doonaa magaalada London.
Profile