Mesut Ozil iyo Juan Mata waa labada xidig ee xili cayaareedkan 2013/14 ugu qaalisnaa Premiership-ka England mid waxaa lasoo iibsaday bilawgii xili cayaareedkan halka midka kalena lacago badan lagu iibsaday bartamihii xili cayaareedkan sidaa darteed labadan kubad sameeye oo 12-bilood ka hor hogaamiyaal u kala ahaayeen kooxaha Real Madrid iyo Chelsea ayaa xili cayaareedkan marxalado adag la kulmeen hadaba xili cayaareedka oo dhamaad ku dhow waxaa laga sameeyay Ozil iyo Mata isku bar bar dhig dhan walbo la eegay si ugu dambeyntii farta loogu muuqo hal laacib oo la oran karo midaas ayaa u qalmay lacagtii laga soo bixiyay:
Waxqabad | Mata (£37.1m) | Ozil (£42.4m) |
Goolasha | 5 | 5 |
Kubadaha ay dhiibeen | 4 | 9 |
Goolasha ay ku lug lahaadeen | 9 | 14 |
Fursadaha ay abuureen | 31 | 69 |
Farsamada cajiibka ah | 11 | 42 |
F.G: waxqabadkan labadan ee la isku bar bar dhigay ayaa ku saleesan Premiership-ka England sidoo kalena Juan Mata waxaa loo xisaabay kaliya waxqabadka uu soo bandhigay tan iyo bilawgii sanadkan markii uu Man United kusoo biiray, hadaba mustaqbalka dhow labadan xidig keebaa lacagtiisa si buuxdo loogu faa’iidi doonaa madaama xili cayaareedkan ay dhibaatooyin kala duwan la kulmeen?