Home » Maxaa Cusub » Mesut Ozil Oo Doortay Kooxdiisa Riyada Kana Saaray Sanchez & Modric, Yaase Kale Oo Ku Jira?

Mesut Ozil Oo Doortay Kooxdiisa Riyada Kana Saaray Sanchez & Modric, Yaase Kale Oo Ku Jira?


Ozil

 

Mesut Ozil ayaa doortay kooxdiisa riyada wuxuuna kasoo xushay xidigahii uu kasoo garab ciyaaray waayahiisa ciyaaraha kooxaha uu soo maray iyo xulka qaranka.

Jaceylka uu u qabo Madrid ayuu xidigaan ku muujiyay madama uu kasoo xushay shan xidig xidigaha haatan ku sugan, balse waxaa jira laba xidig oo aan hada kooxda ku sugneen balse uu usoo xushay iney Madrid kaga soo garab ciyaareen waana Xabi Alonso iyo Angel Di Maria kuwaas oo ku kala sugan kooxaha Bayern Munich iyo Manchester United.

Sidoo kale kaliya laba xidig ayuu kasoo xushay xulka Jarmalka laba xidig waana Lahm iyo Boateng, halka Arsenal oo ah kooxda uu haatan joogo uu kasoo xushay Santi Cazorla iyo xidig aan la fileynin oo ah Gnabry waana jarmal wiilkaan uu soo xushay.

Real Madrid xidigaha uu kasoo xushay waxey kala yahiin: Casillas, Marcelo, Ramos, Ronaldo Iyo Benzema.

Shaxdaan wuxuusan kusoo darin xidiga reer Chile ee Arsenal Alexis Sanchez, wiilka reer Croatia ee Real Madrid Luka Modric.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>