Kubad sameeya xulka Jarmalka haatan waa xidiga loogu hadal heynta badan yahay qaarada Yurub kadib markii kooxda Arsenal ay ku iibsatay aduun lacageed oo gaarayo 50-milyan oo euro ah sidaa darteed waxaan idiin heynaa warbixin kooban oo ku saabsan Mesut Ozil noloshiisa gaarka ah, 24-jirkan wuxuu kasoo jeedaa qoys reer Turkey balse soo dageen dalka Jarmalka sedex fac ka hor, balse xidigan wuxuu ku dhashay kuna bar baara dalka Jarmalka gaar ahaan magaalada Gelsenkirchen ee ka dhisan galbeedka dalka Jarmalka sidaa darteed wuxuu doortay inuu matalo xulka kubada cagta dalka Jarmalka.
Ozil waa cayaaryahan Muslim ah sidoo kalena ka mid ah shaqsiyaadka ugu magaca dheer dalka Jarmalka kana mid ah xidigaha ugu caansan caalamka, waxaana inta badan lagu amaanaa aqlaaqdiisa wanaagsan marka uu garoonka ku jiro, haatan kooxda Arsenal ayuu heshiis 5-sano ah u saxiixay asigoo sanad walbo qaadan doono 7-milyan oo euro ah.
Hadii aan usoo laabano noloshiisa gaarka ah, Ozil asigoo 21-jir ah waxay xiriir jaceel wada wadaageen haweyneyda lagu magacaabo Anna-Maria Lagerblom waana 32-jir sidoo kalena sameyso foto-model inkastoo markii hore uu xiriirkooda aad u wanaagsanaa inta badana bulsho weyna dalka Jarmalka ay ka wada warqabeen hadana xiriirkooda bur bur ayaa ku yimid markii uu Ozil usoo dhaqaaqay magaalada Madrid si uu xirfadiisa cayaareed Real Madrid uga sii wato Anna-Maria Lagerblom iyadana waxay dayiri kari weesay shaqadeeda sida darteed xiriirkooda bur bur rasmi ah ayaa ku yimid waxayna wada socdeen inti u dhaxeesay 5/2009 ilaa 11/2010 taasi oo ka dhigan in sanad bar ay saaxiibo ahaayeen.
Isla markiiba Ozil arintan wax niyad jab ah kuma keenin wuxuuna bartay gabadha lagu magacaabo Mandy Capristo waa heesaa caan ah sidoo kalena waa 23-jir inta badan jecel inay saaxiibkeed ka agdhawaato si uusan xiriirkooda u bur burin, balse haatan wargeska Daily Mail ayaa sheegay in labadan lamaane ay ku kala duwan wihiin halka ay magaalada London kaga nolaan lahaayeen waayo Ozil ayaa doonayo inuu Waqooyiga London dago madaama uu Gunners-ka ku biiray halka saaxiibtiis Mandy Capristo ay ka codsatay saaxiibkeed inay ku wada noolaadaan Galbeedka magaalada London gaar ahaan xaafada Chelsea sidaa darteed waxaa xiiso gaar ah leh halka ay labadan lamaane ugu dambeyntii isku raaci doonaan inay wada dagaan kuna noolaadaan.
mustafa hassan ayaanle { wilshere}
November 17, 2013 at 1:13 PM
OZIIL WAA CIYAARTAHAN ADUUNGA UGU FCN