Inkastoo kubad sameeyaha reer Jarmal Mesut Özil lagu eedeeyay inu ka gaabiyay doorkiisa xili cayaareedkan 2013/14 madaama uusan si wanaagsan kooxdiisa cusub Arsenal ugu cayaaran hadana xidigan tayada wanaagsan ayaa saxaafada u sheegay inuu ku faraxsan yahay shaqsi ahaantiisa wixii u qabsoomay 12-bilood ee aan kasoo gudubnay.
Sidoo kalena niyad wuxuu sheegay inuu dagan yahay sidoo kalena uu wax badan ka faa’iiday kasoo dhex muuqashada Premiership-ka England wuxuuna xidigan yiri “ilaa haatan markii aan dib u eegay wixii uu qabsoomay aadban ugu qanacsanahay waayo horyaal igu cusub ayaan ka shaqo bilaabay nasiib wanaag qaybtii hore ee xili cayaareedkan si wanaagsan ayaan u cayaaray sidoo kalena qaybta dambe haatan kaalinteyd ayaan qaatay kaliya qaybtii dhexe dhaawacyo ayaan ku maqnaa marka ma jirto sabab aan hoos madaxeyga u aadiyo!”
Arsenal waxay Mesut bilawgii xili cayaareedkan £42.5m kaga soo iibsatay naadiga Real Madrid sidoo kalena haatan xidigan waa shaqsiga ugu mushaarka badan garoonka Emirates inkastoo ay kooxdan 128-maalmod hogaamineesay horyaalka England hadana ugu dambeyntii kaalinta 4-aad ayay ku dhameesatay wuxuuna Ozil arinkan ka yiri
“waa run horyaalka inaan qaadno waan ku guul dareesanay balse xidigo badan oo muhiim ah ayaa naga dhaawacmeyn dabcan kooxaha naga sareeyaan horyaalka dhibaatada anaga nagu habsatay ma qabsanin waxaana rajeynaa inaan xili cayaareedka dambe ku guuleesan karno EPL hadii xidigo dheeraad ah kooxd lagu soo kordhiyo”
Ugu dambeyntii Ozil ayaa ugu baaqay xidigaha Arsenal ka faa’iideestaan fursada ay ku hanan karaan FA Cup-ka sidoo kalena aysan dhayilsanin naadiga Hull City.