Home » Europe » Champions League » Messi Oo Mucjisadiisa Ku Kala Diray Bayern Munich Xili Pep Guardiola Uu Camp Nou Guuldaro Ku Gudoomay

Messi Oo Mucjisadiisa Ku Kala Diray Bayern Munich Xili Pep Guardiola Uu Camp Nou Guuldaro Ku Gudoomay


Laba

Laba gool oo uu dhaliyay Lionel Messi iyo Gool uu Dhaliyay Neymar JR ayaa Barcelona u sahashay guul qurux badan oo ay Camp Nou kaga gaartay Bayern Munich lugta hore wareega quater finalka tartanka horyaalada yurub.

Labada gool ee Messi oo mucjisooyin ahaa ayaa yimid qeybihii ugu dambeeyay ciyaarta iyadoo Neymar uu sidoo kale waqtigii dhimashada ka dhaliyay goolka sadexaad, taasna waxey ka dhigan tahay in Bulgarana ay hal lug la gashay Finalka Champions League-ga oo ka dhici doona Berlin bisha June.

Guadiola oo soo laabtay, Enrique iyo Pep oo ku kulmay Camp Nou mar kale iyo jawi ay jamaahiirta Bulgaranaa ugu sacab tumayeen kooxdooda ayaa mar kaliya isla bilowday.

Bulgarana maamulka ciyaartay ayey majaraha u qabatay durba iyadoo Messi uu si qurux badan uga soo dhex muuqday ciyaarta.

Luis Suarez ayaa helay fursadii ugu qaalisaneed ee soo martay Barca qeybta hore markii uu kubad hal iyo hal ah kala hortagay Manuel Neuer, balse kubadii uu goolka aadiyay goolkahayaha ayaa iska saaray.

Mar kale Bulgarana ayaa u dhawaatay iney hesho gool kale markii Suarez uu kubad fudud u gudbiyay Neymar kaas oo isna kubad goolka aadiyay isagoo ku sugan meel aan ka fogeen Neuer, balse Rafinha ayey kubada ku dhacday ka hor inta aysan banaanka u bixin,

Bayern Munich ayaa heshay fursadii ugu horeysay markii Thomas Muller uu kubad baanaanka usoo dhigay Roberto Lewandowski kaas oo ku fashilmay inuu kubada shabaqa galiyo.

Barca waxey kordhisay cadaadiskii ay ku heysay goolka Bayern Munich iyadoo wiilasha Pep Guardiola aad mooday iney kusoo tashadeen inaan shabaqooda la gaarin iyagoo sameynayay iska caabin xoog leh.

Dani Alves ayaa sameeyay isku day uu Barcelona gool ugu dhalin rabay, balse kubad uu goolka aadiyay waxaa lugtiisa mar kale kubada ku badbaadiyay Manuel Neuer.

Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala maray barbaro gool la’aan ah iyadoo Barcelona ay lahayd gacanta sare, inkastoo Bayern ay gambad aheyd.

Qeybta labaad ayaa la isku soo laabtay iyadoo Barcelona ay halkeedii kasii bilowday iney majaraha u qabto maamulak ciyaarta.

Barcelona ayaa si qurux badan kubad usoo dhistay, balse ugu dambeyntii Messi ayaa darbad xoogan goolka aadiyay balse Manuel Neuer ayaa ku dhagay.

Mar kale Messi ayaa kubad qurux badan oo xatooyo aheyd u gudbiyay Neymar oo kubad kala hortagi lahaa Neuer balse goolhayaha reer Jarmal ayaa kubadii kaga hormaray oo ka saaray.

Neymar ayaa qasaariyay fursad uu gool ugu dhalin karay kooxdiisa markii kubad laga siiyay goosha, si fiican ayuu u xariiftamay balse kubadii hawada ayuu ku daray.

Lionel Messi ayaa hogaanka u dhiibay Barcelona daqiiqadii 76-aad ee ciyaarta markii uu kubad joog hoose ah oo lama filaan aheyd uu geesta bidix goolka ka galiyay, Neuer ayaana awoodi waayay inuu qabto.

Goolka Messi ayaa ka dhigan inuu barbareeyay rikoorkii Ronaldo uu xalay dhigay ee 76-da gool tartanka Champions League, isagoo sidoo kale leh 9-gool xili ciyaareedkaan.

Mar kale Messi ayaa shabaqa gaaray markii uu dhaliyay gool caaqibo leh oo uu si qurux badan kaga xariiftamay Jerome Boateng ka hor inta uusan Neuer si fiican uga dulqaadin daqiiqadii 80-aad ee ciyaarta.

Goolka labaad ee messi ayaase sidoo kale ka dhigan inuu majaraha u qabtay gooldhalinta Champions League isagoo leh 10-gool wuxuuan haatan dhigay rikoor cusub madama uu ka dhigan yahay inuu Champions League-ga ka dhaliyuay 77-gool guud ahaan.

Neymar JR ayaase soo afjaray nolosha Bayern Munich ee ciyaarta markii uu goolka sadexaad ugu shubay waqtigii dhimashada markii uu caawinaad ka helay Messi.

Natiijada ciyaarta ayaa noqotay mid kusoo dhamaata 3-0, waana natiijo la mid ah midii ay Bayern sanadii 2013 ku suldaartay Barcelona lugta labaad kulankii ka dhacay Camp Nou.

Ugu dambeyntiina Barcelona ayaa lug nadiif ah la gashay finalka koobka horyaalada yurub ee June ka dhici doona magaalada Berlin.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>