Lionel Messi, Manuel Neuer & Paul Pogba ayaa ku guuleystay abaalmarinadii Koobka Aduunka xalayto markaas oo koobka Aduunka lasoo afjaray ciyaaro 1-0 ay Jarmalka ku qaadeen koobkii Aduunka.
Gool soo daahay oo yimid daqiiqadii 113-aad ee ciyaarta ayaa niyada ka jabiyay malaayiin reer Argentina ah waxaana dhaliyay Mario Gotze oo ciyaarta badal kusoo galay, balse kabtanka Xulka Argentina Messi ayaa ku guuleystay abaalmarinta Golden Ball oo la siiyo xidiga ugu fiican tartanka.
Messi ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed wanaagsan isagoo xulkiisa gaarsiiyay Finalka Koobka Aduunka inkastoo kulankii Finalka ee xalay uu dhaqaaq fiican sameeyay walow uu ku hungoobay inuu guul gaaro.
Sidoo kale goolhaye Manuel Neuer ayaa ku guuleystay abaalmarinta Golden Glove oo la siiyo goolhayaha ugu wanaagsan kadib markii uu sameeyay badbaadooyin qurux badan.
Ugu dambeyntiina Paul Pogba ayaa isna loo magacaabay da’yarka ugu fiican tartanka isagoo abaalmarintaan ka dulqaaday Raphael Varane iyo xidiga Memphis Depay.
Profile