Luis Suarez ayaa dhexda ka taagan mashaqo markii uu qaniinay daafaca reer Talyaani Giorgio Chiellini ciyaar dhexmartay xulalka Uruguay iyo Italy taas oo kusoo dhamaatay 1-0 oo Uruguay ay guusha ku raacday.
Si Kastaba halyeeyadii hore kubada cagta kuwaas oo haatan badankodoa saxaafada kuwada biiray ayaa ka hadlay bal sida ay u arkaan falkaan uu sameeyay Luis Suarez.
Robie Fowler “Wixii aan ka cabsanaayay ayuu Suarez sameeyay waayo sumacadii iyo sharafkii Liverpool ayuu dhiiqo ku jiiday runtii galigiis ma ahan qofka xun sidoo kalena Liverpool muuqaalkeedii wuu xumaaday!!”
Robbie Savage “waa sharaf daro ma ahan Suarez inuu mardambe kubada cagta cayaaro waxaan dul dhigi lahaa ganaax cimirigiisa ka dhiman u diiidayo inuu garoomada kasoo muuqdo!!”
Gary Lineker “Suarez waa xidig dafiic ah waayo markii kubad adag lala cayaaro dareenkiisa ma ximilo karo sidaa darteed kubada cagta shaqsi Suarez oo kale kuma haboono inuu cayaaro marba hadii laga awood roonaado hadii uu dadka cunaayo!!”
Alan Shearer “Suarez kubada cagta ceeb iyo fool xumo ayuu kusoo kordhiyay marwalbo qaladkan oo kale markii galo wuxuu isku dayaa inuu isaga dhibane iska dhigo laakiin markaan aduunka oo dhan ayaa arkeen fool xumadiisa!!”
Danny Murphy “Muran kama taagno Suarez inuu cunaa yahay sidoo kalena waa shaqsi aan dareenkiisa xakameyn karin markaan ma jirto marmarsiyo aan ku difaaci karno hadii aan nahay reer Liverpool!!!”
Danny Mills “ganaaxii ugu cuslaa ebid Suarez hala dul dhigo falkii uu ku kacay waa mid kubada cagta aan shaqo ku lahayn waana xukunkiisa laga dhigaa mid dambi fal dil ama xad gudub la mid ah”
Michael Owen “waan jeclahay inaan daawado Suarez balse markan ma difaaci kari waxa uu sameeyay dunida oo idil ayaa isla aragtay”
Rio Ferdinand “maalmo ka hor ayaa asxaabteyda u sheegay in Suarez uusan dareenkiisa xamili karin marka dadkii dhihi jireen Suarez wax ma qaniino ha quustaan waa bahal dafaciif ah!!”
Cesare Prandelli “wax kale ma dhihi karo waa ceeb kubada cagta kusoo korartay dabcana ma ahan fal qalbigeena ka go’i doono FIFA ayaa laga rabaa inay go’aan cad qaadato si falkan oo kale kubada cagta markale loogu arkin”
Óscar Tabárez tababaraha xulka Uruguay “kubada cagta wax walbo ayaa la isku sameeyaa marka la cayaarayo sida darteed arinka Suarez waa laga bad badiyay!”
Giorgio Chiellini “hada ka hor ayuu isku dayay inuu i qaniino sidaa darteed la yaab ma ahan in Suarez bahalnimadiisa la arkay laakiin waxaan ka cabsi qabaa in FIFA aysan wax talaabo ah ka qaadin sidaa darteed maxkamada rayidka ayaan ka dacwoon doonaa!!”
Hdalka dany marvy ayan ku racsanhy wax aan ku difcno malahan super suarez wuxuna dhka la galy shrftena viva famly of YNWA
Kkk Bahaloz