Home » Europe » Champions League » Maxey Jose Mourinho & Diego Simeone Ka Yiraahdeen Kulanka Lugta Labaad Ee Caawa

Maxey Jose Mourinho & Diego Simeone Ka Yiraahdeen Kulanka Lugta Labaad Ee Caawa


Mourinho: I may play Torres, Eto'o and Ba

Caawa Chelsea ayaa marti loogu noqon doonaa garoonka xaaasadda badan ee Stamford Bridge waxeyna soo dhaweyn donaan Atletico Madrid oo kulanki Vincent Calderon ay waxba iska qaadi waayeen, kadib ciyaar kusoo idlaatay 0-0.

Labada tababare ayaa ka hadlay kulanka caawa iyago si kala gooni gooni ah u qabsaday shirarkooda jaraa’id ee ka hor kulanka caawa iyagoo ku wada sugan magaalada London.

Tababare Jose Mourinho ayaa amaanay kooxda Atletico Madrid inkastoo laga warqabo in Jose uu mar walba adeegsado ciyaar masaxeed ka hor kulan walba oo uu halis ku jiro.

“Waa naadi fiican, lehna qaab weerareed gaadmo ah, sidoo kalana leh difaac adag iyo gooldhaliyayaal adag, wey guuleystaan kulamada, waxeyna soo gaareen Semi Finalka Champions League, sidoo kalana waxey u baahan yihiin kaliya laba guul si ay u qaadaan horyaalka Spain, uma maleynayo iney tahay cadaalad in laga falanqeeyo ayaga” ayuu ku jawaabay mar Jose la weydiiyay in Atletico Madrid aysan aheyn koox weyn.

Jose Ayaa Ka Hadlay Eden Hazard?

“Eden Hazard waa diyaar, waa go’aankeyga inuu kusoo bilaabanayo iyo in kale, balse diyaar ayuu u yahay inuu wajaho Atletico”

Shaqada Atletico Madrid:

“Waxaan ku faraxsanahay nolosha Chelsea, waxaan ka hadli doonaa arintaan, marka Chelsea ay ii sheegto ineysan ii baahneyn, balse haatan meelna ugama socdo London iyo Stamford Bridge”

Hadii uu ciyaari doono shaxdii kulankii lugta hore?

“Waxaba suuragal ah inaan kusoo wada bilaabo: Eto’o Ba iyo Torres”

Simeone: If we all played the same way it would be boring

Dhanka kale tababare Diego Pablo Simeone ayaa ka hadlay xushmada uu u hay tababare Jose Mourinho inkastoo tababarahan reer Argentina uu dhaleeceeyay shaxdii uu Jose ciyaaray labadii kulan ee Atletico iyo Liverpool.

“Hadii aan ciyaarno kubad isku mid waa lagu caajisi doonaa” waana sababta ay kubada cagta u weyn tahay, waxaad ku badin kartaa 10-xidig oo weerar ah, difaac ah ama kahdka dhexe ah oo lagu daray  hal goolhaye” Ayuu Simeone yiri.

“Waan xushmeeyaa guud ahaan kubada cagta, waxaa jira qabab kala duwan oo lagu guuleysto, tababare walba isagaa doorta shaxdiisa difaacana ma fiicna hadii aysan kooxdaada laheyn awood ku filan, waana inaad u mahad celiso si kastaba, sidoo kale weerarka ma fududa, waa inaad amaanto hadii aysan sidii la rabay u ciyaarin”

“Ciyaartoyda waa iney dareemaan xaalad caadi ah isla markaana aysan is galin baqin ama cabsi ay ka qabaan jamaahiirta, waana iney ku raaxeystaan jabaqada taageerayaashooda tirada yar ee imaanaya London”


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close