Home » Maxaa Cusub » Maxay Tahay Sababta Uu Paul Pogba Chelsea Ku Dooran Doono?

Maxay Tahay Sababta Uu Paul Pogba Chelsea Ku Dooran Doono?


Paul-Pogba1

Paul Pogba waa xidiga loogu doonista badan yahay qaarada Yurub waxayna kooxdiisa Juventus ka warqabtaa inaysan xidigan ceshan karin madaama ay kooxaha Yurub ugu dhaqaalaha badan ku raad joogaan saxiixiisa, xidigan dhalinta yar bilooyinkii ugu dambeeyay waxaa lala xariirinaayay saxiixiisa kooxaha Real Madrid, PSG, Chelsea, Man City, Man United iyo Bayern Munich balse maal mihii ugu dambeesay suuqa Yurub waxaa laga hadal hayaa in xidigan marka uu koobka aduunka soo dhameesto inuu kooxda Chelsea ku biiri doono, hadaba maxay tahay sababta uu Pogba ku doorbidaayo inuu galbeedka magaalada London mustaqbalkiisa cayaareed kasii wato?

Chelsea ayaa diyaar  u ah inay bixiso £60m waana qiimaha ay kooxda Juventus xidigan tayada wanaagsan dul dhigtay sidaa darteed Blues midaas ayaa u sahli doonto inay Pogba gacant kusoo dhigto sidoo kale Chelsea waxay 20-jirkan u balan qaaday inay todobaad walbo mushaar ahaan usiin doonto £180,000 waana xusid mudan in haatan uu todobaad walbo kooxda Juventus ka qaato £15,000 sidaa darteed Paul Pogba mushaar uusan waligiis ku riyoonin ayuu garoonka Stamford Bridge ka qaadan doonaa marka uu xagaagan usoo dhaqaaqo waana sababta ugu weyn ee uu kubad bur buriyahan diyaar ugu yahay inuu dalabka Chelsea aqbalo marka uu koobka aduunka soo idlaado.

Close