Home » Horyaalada » Bundesliga » Maxay Lahm Iyo Hummels Ka Dhaheen Guushii Jarmalka U Sahashay Inay Semi-Finalaha U Gudbaan?

Maxay Lahm Iyo Hummels Ka Dhaheen Guushii Jarmalka U Sahashay Inay Semi-Finalaha U Gudbaan?


Lahm and Hummels

Kabtanka xulka Jarmalka ayaa durbadiiba saxaafada la hadlay kadib markii xulka Jarmalka 1-0 kaga badiyeen France wareega 8-aad ee koobka aduunka, daafacan waaya araga ah iyo xulkiia haatan waxay taagan yihiin nus dhumaadka koobka aduunka hadaba wareysi gaaban ayuu bixiyay kadib markii ay France ka guuleesteen wuxuuna yiri “waxay ahayd cayaar aad dhib badan madaama cimilada ay kululaayeen balse dadaal weyn ayaa sameenay waxaana inoo suura gashay inaan hadafkeena gaarno”

Sidoo kale Lahm ayaa sheegay in xulka France ay cayaar adag soo bandhigeen wuxuuna yiri “amaan waxaa muda xidigaha France oo kubad adag cayaareen waxaana qiraa inaan wajahnay xul awood badan” Lahm ayaa geeska kale sheegay inay kulankan goolal badan ku badin kareen wuxuuna yiri “inkastoo qaybtii dambe aan difaac cayaarnay hadana waxaan helnay fursado qaali ah oo aan kulankan kaga taqalusi karnay si kastaba ay ahaato waan ku faraxsanahay inaan Semi-finalaha koobka aduunka u gudubnay”

Mats Hummels oo isagana dhaliyay goolkii ay xulka Jarmalka kusoo baxeen ayaa saxaafada la hadlay wuxuuna yiri “farxad gaar ayay ii tahay goolkii aaan kusoo baxnay inaan dhaliyo sidoo kalena waan ku faraxsanahay inaan kubad adag cayaarnay” Hummels oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “waa muhiim daafaceena inuu xasilooni helo sida darteed inaan ka garab cayaaro Boateng waxay ii sahashay daafaceena inuu adkaado sidoo kalena France oo xul awood badan ayaan gool u diidnay”


Close