Waxaan hore idin kula wadaagnay xili cayaareedka dambe koobka horyaalada Yurub waxa aan ka filan karno inaan ku aragno.
Madaama tartanka Yurub ugu qiimaha badan xiisahiisa ayaa sii kordhi doono sidoo kalena kooxaha Yurub ugu awooda badan ayaa isugu imaan doonaan xili cayaareedka dambe 2015/16 oo Finalaha tartankan lagu qaban doono magaalada Milan.
Hadaa waxyaabaha aan ka filan doono Champion-ka bilaaban doono bisha September hoos kaga bogo:
Kooxaha Guruubka inay ka qayb qaadan doonaan la hubo xili cayaareedka dambe iyo naadi walbo inta jeer oo ay ka qayb qaadatay sida tartankan loogu bixiyay UEFA Champions League:
Real Madrid CF (markii 20-aad ayay cayaari doontaa)
FC Barcelona (markii 20-aad ayay cayaari doontaa)
FC Porto (markii 20-aad ayay cayaari doontaa)
FC Bayern München (markii 19-aad ayay cayaari doontaa)
Arsenal FC (markii 18-aad ayay cayaari doontaa)
Olympiacos FC (markii 17-aad ayay cayaari doontaa)
Juventus (markii 16-aad ayay cayaari doontaa)
Chelsea FC (markii 14-aad ayay cayaari doontaa)
Galatasaray AŞ (markii 14-aad ayay cayaari doontaa)
SL Benfica (markii 11-aad ayay cayaari doontaa)
AS Roma (markii 9-aad ayay cayaari doontaa)
Paris Saint-Germain (markii 8-aad ayay cayaari doontaa)
FC Zenit (markii 6-aad ayay cayaari doontaa)
Club Atlético de Madrid (markii 6-aad ayay cayaari doontaa)
Manchester City FC (markii 5-aad ayay cayaari doontaa)