Kubad sameeyaha xulka Colombia James Rodriguez ayaa haatan kusoo baxay musharaxa ugu cad cad inuu ku guuleesto xidiga ugu wanaagsan koobka aduunka madaama uu tartankan ka dhaliyay 5-gool asig cayaaray 4-kulan wuxuuna xidigan dhalinta ee naadi ahaan ka tirsan AS Monaco kusoo baxay laacib ay aduunka oo idil isla qiraan inuu kubada cagta mustaqbal wanaagsan ku leeyahay, hadaba hoos kaga bogo xogta James oo kooban:
Wuxuu dhashay: Born on 12 July 1991
Goobta uu ku dhashay: Cucuta, Colombia
Xidigan wuxuu kusoo caan baxay naadiga Envigado ee dalkiisa hooyo kadib kooxda Banfield ee ka dhisan dalka Argentina ayuu sanadii 2009 ku biiray.
Laakiin sanadii 2010 ayuu qaarada Yurub usoo dhaqaaqay waxaana soo iibsatay kooxda FC Porto.
Sanadii 2012 wuxuu ku guuleestay abaal marinta Portuguese Golden Ball asigoo 20-jir ah wuxuuna noqday cayaaryahankii ugu dhalinta yar ee ebid abaal marintan ku guuleesto.
3-horyaal oo xariir ah ayuu FC Porto kula guuleestay
Naadiga AS Monaco ayaa sanadkii hore £38.5m ku iibsatay wuxuuna noqday taariikh ahaan cayaaryahanka labaad ee xidigaha reer Colombia ugu qaalisan kaliya Radamel Falcao ayaa qaalisan.
Iskoorada Uu Koobka Aduunka Ka dhigay:
Wuxuu noqday cayaaryahankii ugu horeeyay ee 4-kulan oo xariir ah koobka aduunka goolal ka dhaliyo mudo 12-sano kadib waxaana iskoorkan horey u dhigeen Rivaldo iyo Ronaldo sanadii 2002.
Sidoo Kale James ayaa noqday cayaaryahankii ugu horeeyay ee koobka aduunkaku cusub kaasi oo 4-kulan ee ugu horeeyo 4-gool dhaliyo waxaana iskoorkan horey u dhigay halyeegii xulka Italy Christian Vieri oo sanadii 1998 4-kulan oo xariir ah goolal dhaliyo.
Profile