Home » Europe » Champions League » Maxaa looga soo bixiyay £85m Grathe Bale Hadiiba Uu Kulankiisa Ugu Horeeyo Garabka Bidix Ee Daafaca Ka Cayaari Doono!

Maxaa looga soo bixiyay £85m Grathe Bale Hadiiba Uu Kulankiisa Ugu Horeeyo Garabka Bidix Ee Daafaca Ka Cayaari Doono!


Bale at madrid

Maxaa looga soo bixiyay 85-milyan oo pound Grathe Bale hadiiba uu kulankiisa ugu horeeyo garabka bidix ee daafaca ka cayaari doono sidaas waxaa yiri wargeska Daily Mail oo helay xog muhiim ah kuna saabsan xaalada cayaaryahanka aduunka ugu qaalisan, waayo Grathe Bale kulankiisa ugu horeeyo oouu Real Madrid u cayaari doono sabtiga nagu soo fool leh wuxuu xidigan ka cayaari doonaa garabka bidix ee daafaca waayo Madrid labada xidig ee booskan ugu qornaa Marcelo iyo Fabio Coentrao dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaareen.

article-2417303-1BC30474000005DC-64_634x825

24-jirkan loo galiyay labmarka 11-kaad laguna soo dhaweeyay caasimada Madrid ayaa la sheegay in macalin Ancelotti uu garabka bidix ee daafaca u adeegsan doono kulanka Villareal inkastoo Bale uusan si wanaagsan u diyaarsaneen hadana macalin Ancelotti ma heesto dooq kale sidaa darteed xidiga aduunyada ugu qaalisan halka ay daafacyada ku mashquuli lahaayeen isaga ayaa lagu wadaa inuu raaco ama jalaafo xidigo aad uga qiimo jaban hadaba tani Bale niyad ahaan maxay u dhimi kartaa madaama uu filaayay inuu Madrid Atoore ka noqon doono balse haatan waxay u muuqataa in amarka macalin Ancelotti uu ku shaqeyn doono!

article-2417303-1BC2FFE4000005DC-340_634x472

article-2417303-1BC2FE3E000005DC-405_634x428


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close