Alfredo Di Stefano kubada cagta waayihii uu cayaari jiray heerkii ugu sareeyay ayuu ka gaaray wuxuun sabab u ahaa magaca ay maanta ku faanto Real Madrid, halyeegan ku geeriyooday magaalada Madrid xog ku saabsan ayaan idiin heynaa madaama hadal heyna Sports haatan dhankiisa u badan tahay, Di Stefano wuxuu ku dhashay magaalada Buenos Aires ee dalka Argentia, wuxuu heerkiisii cayaareed kasoo bilaabay naadiga River Plate kadibna wuxuu ku biiray naadiga Millionarios ee ka dhisan dalka Colombia, sanadii 1953 ayuu Real Madrid ku biiray waxaana markaas u bilaawday wa cusub oo guul ku dheehan.
Di Stefano dhanka heer qaran wuxuu u saftay xulalka kala ah Colombia, Argentina iyo Spain! waxaa lagu xasuusan doonaa inuu Real Madrid u qaaday 5-jeer oo xariir ah koobka horyaalada Yurub intii u dhaxeesay 1956 ilaa 1960 waxaa intaas usii dheer inuu Real kula guuleestay 8-jeer La Ligaha Spain sidoo kalena labo jeer ayaa loo doortay laacibka qaarada Yurub ugu wanaagsan(1957 iyo 1959).
Wuxuu Madrid isaga tagay sanadii 1964 asigoo u dhaliyay 400-gool wuxuuna ka tirsanaa kooxdan 11-xili cayaareed, halyeegan wuxuu tababare u noqday Real Madrid intii u dhaxeesay 1982 ilaa 1984 laakiin guulo buuran lama gaarin wuxuu gudoomiye sharafeedka Madrid noqday sanadii 2000.
Di Stefano inkastoo uu kubada cagta heerkii ugu sareeyay ka gaaray hadana marnba cayaaraha aduunka kama soo muuqanin inkastoo uu sedex xul u cayaaray, wuxuu 6-kulan u saftay xulka Argentina, 4-kulan Colombia ayuu u cayaaray sidoo kalena Spain wuxuu u saftay 31-kulan asigoo u dhaliyay 23-gool. FIFA ayaa halyeegan u diiday inuu sanadii 1954 xulka Spain kala qayb qaato koobka aduunka madaama uu dhalasho kale heestay balse sanadii 1957 ayay FIFA ganaaxii ka qaaday markaas ayuuna Spain kulamadaas u saftay.
Koobabka uu De Stefano qaaday oo kooban:
Five European Cups (Real Madrid, 1956, 1957, 1958, 1959, 1960)
- One Intercontinental Cup (Real Madrid, 1960)
- One America cup (River Plate, 1947)
- Eight Spanish league titles (Real Madrid, 1954, 1955, 1957, 1958, 1961, 1962, 1963, 1964)
- One Spanish Cup (Real Madrid, 1962)
- Two Argentine league titles titles (River Plate, 1945, 1947)
- Four Colombian league titles (Millonarios Bogotá, 1949, 1951, 1952, 1953)
Profile