Macalinkaan Reer Dutch ayaa kooxda Manchester United kula jiro heshiis gaarayo ilaa sadax sano isagoo shaqadiisa bilaabi doono koobka adduunka kadib.
Macalinkaan ayaa leh waaya aragnimo dheer wuxuuna horey u soo qabtay kooxaha Ajax, Barcelona iyo Bayern Munich, islamarkaasna wuxuu Champions League ku qaaday kooxda Ajax Amsterdam.
Heshiiska uu kula jiro Manchester United iyo mushaarka
Weli warbixin faahfaahsan lagama hayo, laakiin kaliya waxaa heynaa aqbaar sheegeysa inuu laba sano u saxiixay Manchester United, weliba wuxuu jaanis fiican u heystaa inuu ku darsado hal sano oo dheeri ah, Ogow Van Gaal Mushaar ahaan wuxuu sanadkii u qaadan doonaa $11m (£7m).
Qandaraaska | Mushaarka rasmiga ah | Jaanis uu heysto |
2014-2016 (2 sano( | $11m £7m Sanadkii | Inuu heshiiska ka dhigi karo sadex sano |
Haddaba Van Gaal ayaa badalay macalinkii hore ee Moyes kaasoo sanadkiisii ugu horeeyey ku fashilmay Manchester United, waxaana lagu doortay inuu leeyahay qibrad wanaagsan. Aan ku xasuusiyo Van Gal haddii uu Manchester United u qaado Horyaalka wuxuu kamid noqon doonaa Macalimiinta tiro yar ee 4 Horyaal oo kala duwan qaaday, dabcan waxaa maskaxdaada horey uga soo dhaceyso Mourinho oo kooxaha Porto, Chelsea, Inter iyo Real Madrid la qaaday.
Akhriste Kawaran Van Gaal Muhiimada uu u leeyahay Manchester United, Fikirkaaga waa muhiim
XUDEYFa SYL
June 3, 2014 at 10:28 AM
Van gaal waa mclim sare lkn ilamaha ahan in guulu uso hown dono sandkisa kowad lkn hdu fursad fcn la siiyo wa hubal koox adag wu dhisi donaa viva liverpol