Home » Europe » Champions League » Maxaa Kala Socotaa 12-ka Tababare Ee Koox Cusub Hogaaminayaan Champion-ka Xili Cayaareedkan?

Maxaa Kala Socotaa 12-ka Tababare Ee Koox Cusub Hogaaminayaan Champion-ka Xili Cayaareedkan?


Jose-Mourinho-1867025

Koobka horyaalada Yurub si rasmi ah ayaa caawa daaha looga qaadi doonaa waxaana xusid mudan in 32-naadi ee tartankan ka qayb qaadan doonaan 12-ka mid ah macalimiin cusub ayaa hogaankooda la wareegeen waxaa ugu horey naadiga Bayern Munich oo difaacaneyso tartankan waxaana tababare looga dhigay Pep Guardiola sidoo kale Real Madrid oo damac kaga jiro inay ku guuleesato tartankan markeedii 10-aad waxay xilkeeda ku aamintay Carlo Ancelotti sidoo kale Jose Mourinho isagana Chelsea ayuu dib ugu soo laabtay shaqsiga kale ee caanka ah waxaa ka mid ah Rafeal Benitez oo sanadii 2005 si la yaab leh Liverpool ugu qaaday inuu haatan Napoli soo horkici doono. Guud ahaan waa kuwaan macalimiinta ku cusub kooxdaha ay sanadkan hogaamin doonaan Champion-ka:

Carlo Ancelotti (Real Madrid CF): waa 54-jir labo jeer ayuuna horey tartankan ugu guuleestay asigoo macalin ah.

Jagoba Arrasate (Real Sociedad de Fútbol): waa macalin dhalin yar oo 35-sano jiro, sidoo kalena wuu ku cusub yahay tartankan kooxdiisana iyadana xidigo dhalin yar ayay wadata balse Lyon ayay si xarago leh kusoo reebeen kulamadii isreeb reebka tartankan.

Rafael Benítez (SSC Napoli): uma baahno in faalo laga bixiyo waxtarkiisa labo jeer ayuu tartanka UEFA Cup qaadau sidoo kalena 2005 ayuu koobkan ku guuleestay haatana Napoli ayuu rabaa inuu guul gaarsiiyo.

Nenad Bjelica (FK Austria Wien): 42-jirkan horey ugu cayaari jiray xulka Croatia waa laacib la yaqaan balse shaqada macalinimo ku cusub sidaa darteed koox aan waaya araga ah ayuu soo horkacay waxaana hortaalo shaqo culus!

Laurent Blanc (Paris Saint-Germain FC): sanadii 2009 ayuu caalamka is baray macalinimadiisa markii uu Bordeaux u qaaday horyaalka France sidoo kale wareega 8-aad ee tartankan ayuu soo gaarsiiyay kadib xulka France ayuu tababare u noqday haatan dib ayuu ugu soo laabtay saaxada Yurub waxaana laga rajeynaa 47-jirkan inuu PSG meel ka sareyso heerkii sanadkii hore inuu gaarsiiyo.

Paulo Fonseca (FC Porto): weli waa 40-jir balse waa macalin geesi ah sidoo kalena FC Porto waxay ku caan baxday inay macalimiinta dhalinta yar aduunka barto bal xasuuso guulihii taariikhiga ahaa oo ay kooxdan gaarsiiyeen Jose Mourinho iyo Andea Villas-Boas hadaba Fonesca isagana sanadkan Yurub maka yaabin doonaa!

Josep Guardiola (FC Bayern München): Pep labo jeer ayuu tartankan horey ugu guuleestaan waxaan algu tilmaamaa macalinka ugu wanaagsan kubada cagta xiligan casriga ah la cayaaro, 42-jirkan Bayern oo sanadkii hore koobkan ku guuleesatay ayuu soo horkici doonaa hadaba ma noqon doonaa macalinki ugu horeeyay ee ebid koox u horseedo inay labo sano oo xariir ah difaacato tartankan.

Gerardo Martino (FC Barcelona): waa 50-jir balse waligiis cayaaraha Yurub kama uusan muuqanin, Tata isagana buuga koobkan ayuu qayb ka gali doonaa wuxuuna damacsan yahay inuu Barcelona u horseedo guul taariikhi ah.

Jose Mourinho (Chelsea FC): Jose koobkan sharaf ayuu ku leeyahay madaama uu hore labo jeer ugu guuleestay sidoo kalena 3-sano ee ugu dambeesay Real Madrid soo gaarsiiyay nus dhumaadka, hadaba 50-jirkan gurigiisa dhabta ahaa ayuu dib ugu soo laabtay wuxuuna doonayaa in Chelsea uu tartankan qiimaha badan u qaado sidaas uuna ku noqdo shaqsi 3-naadi oo kala duwan tartankan kula guuleestay.

David Moyes (Manchester United FC): waa shaqsigii taageerayaasha Man United doorteen si uu Sir Alex u badalo balse wax waaya aragnimo ah tartankan uma lahan wuxuuna damacsan yahay inuu United u horseedo guulihii lagu yaqiinay, 50-jirkan maka gudbi doonaa hal xiraalaha adag ee horyaalo.

Manuel Pellegrini (Manchester City FC): waa ninka lagu yaqaan inuu xal u helo koox walbo oo tartankan ku wareerto, 59-jirkan horey kooxaha Malaga iyo Villareal ayuu tartankan meel wanaagsan kasoo gaarsiiyay sidaa darteed maal qabeenka Man City ayaa kaga fadhiyo kooxdiisa inuu markeeda Yurub wacdaro ka dhigto madaama City labadii sano ee ugu dambeesay qaybta guruubyada ku hareesay.

Ståle Solbakken (FC København): 45-jirkan horey xulka Norway ugu cayaari jiray ayaa kusoo baxay macalin la isku haleen karo, inkastoo markii hogaanka kooxdan loo dhiibay sanadii 2006 laga shaki qabay hadana ilaa haatan 4-horyaal ayuu u qaaday sidoo kalena xili cayaareedkii hore ayuu isaga tagay, balse markan dib ayuu ugu soo laabtay asigoo aad loo jecel yahay waxaana laga rajeynaa inuu kooxdiisa guulo gaarsiiyo.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close