Xidigaha ku sugan horyaalada kala duwan ee qaarada Yurub waxay ku fadhiyaan qiimo farabadan sidoo kale mushaar aad u badan ayay qataan waxayna ku muteesteen dadaalkooda joogtada ah oo ay soo bandhigaan sidaa darteed daraasad lagu sameeyay ayaa lagu soo bandhigay 10-ka cayaaryahan ee ugu qiimaha badan xiligan caalamka waxaana xidigahan lagu xushay waxqabadkooda lacaga lagu iibsaday iyo mushaaraadka ay kooxahooda ka qataan hadaba hoos kaga bogo 10-ka xidig ee laga soo xushay dhamaan xirfadlayaasha ku sugan qaarada Yurub:
10. Mesut Ozil (Arsenal): wuxuu Arsenal ugu fadhiyaa £42.4m sidoo kalena todobaad walbo £200,000 ayuu Arsenal ka qaataa waana xidiga ugu mushaarka badan kooxdan.
9. Yaya Toure (Manchester City): laaciba reer Ivory Coast waa xidiga ugu muhiimsan kooxda ManCity sidoo kalena todobaad walbo wuxuu kooxdan ka qataa £240,000 asiga ayaana sabab u ahaa in City markii ugu horeesay mudo 44-sano ah horyaalka England ku guuleesato.
8. Andres Iniesta (Barcelona): 29-jirkan waa kubad sameeyaha ugu wanaagsan caalamka sidoo kalena koobab farabadan kula guuleestay kooxdiisa Barcelona iyo xulka Spain haatana suuqa Yurub wuxuu ka joogaa £57m!
7. Radamel Falcao (Monaco): weeraryahanka reer Colombia dhawaan kooxda Monaco ayaa ku iibsatay £51m sidoo kalena sanad walbo wuxuu kooxda reer France mushaar ahaan uga qaataa £12m!
6. Sergio Aguero (Manchester City): 24-jirkan waa gool dhaliye la isku haleen karo ilaa haatana kooxdiisa ManCity wuxuu u dhaliyay goolal farabadan haatana todobaad walboCity wuxuu ka qataa £200,000 waxaa intaas usii dheer inuu sanad walbo £5m ka qaato shirkada Puma oo uu xayeysiin u sameeyo.
5. Wayne Rooney (Manchester United): asigoo 16-sano jiro ayuu kubada cagta saaxadeeda caan ka noqday haatan waa 27-jir heerkii ugu sareeyay ayuu kubada cagta ka gaaray wuxuuna todobaad walbo ka qataa Man United £250,000 sidoo kalena waa xidiga ugu shacbiyada balaaran dhamaan xidigaha u dhasheen dalka England!
4. Neymar (Barcelona): 21-jirkan Barcelona £48m ayay xagaagan kusoo iibsatay wuxuuna ka mid yahay xidigaha ugu caansan caalamka haatan sanad walbo wuxuu Barcelona ka qaataa £6m waxaana la filaa mustaqbalka dhow noqon doono cayaaryahanka ugu wanaagsan aduunka!
3. Gareth Bale (Real Madrid): waa xidiga ugu qaalisan aduunka madaama Madrid ku iibsatay £85m sidoo kalena todobaad walbo wuxuu todobaad walbo qaataa £300,000, sidaa darteed Bale asigoo aad u dhalin yar ayuu ka mid noqday shaqsiyaadka ugu qiimaha badan kubada cagta ragga ku xamaasho!
2. Cristiano Ronaldo (Real Madrid): Mr. Ronaldo magaciisa iyo maalkiisa isku heer ayay marayaan sidoo kalena waa laacibka ugu suuq geynta balaaran caalamka waxayna Madrid saandii 2009 kusoo iibsatay £80m, Ronaldo 50-milyan oo shacbiyad ayuu ku leeyahay shabakada Facebook sidoo kalena sanad walbo wuxuu Madrid ka qataa 21-milyan oo euro ah haatana waa cayaaryahanka caalamka ugu mushaarka badan.
1. Lionel Messi (Barcelona): hantida Messi uu leeyahay waxaa lagu sheegay £73m, sidoo kalena maanta suuqa Yurub wuxuu qiimo ahaan ka joogaa £105m waxaa intaas usii dheer in 4-sano ee ugu dambeesay uu ku guuleesatay cayaaryahanka ugu wanaagsan aduunka, haatan sanad walbo wuxuu Barcelona ka qataa 16-milyan oo euro ah sidaa darteed Lionel Messi ayaa ah cayaaryahanka aduunka ugu qiimaha badan dhan walbo!
Profile