Xili cayaareed walbo xidigo ayaa soo bandigaan qaab cayaareed aad u wanaagsan waxayna helaan sumcad iyo magac dhaxal u noqdo sidaa darteed waxaan idiin heynaa 15-ka cayaaryahan ee xili cayaareedkii hore 2012/13, waxaana xusid mudan in Lionel Messi oo ah laacibka ugu wanaagsan caalamka uu hor kacaayo xidigahan. Dhanka kale Grathe Bale oo isna ah cayaaryahanka ugu qaalisan caalamka ayaa calaf u yeeshay in liiskan usoo galo. maantana waxaan idiin soo gudbin doonaa 15-ka cayaaryahan ee ugu xawaaraha sareeyaan sidoo kalena ugu tayada wanaagsan kubada cagta casriga ah ee xiligan Yurub laga cayaaro:
Santi Cazorla (Arsenal): ma ahan cayaaryahan kaftamaayo waana kubad sameeyaha ugu tayada wanaagsan Premiership-ka marka uu kubada gacanta ku dhigo wuxu awood u leeyahay inuu quudiyo cayaartooyda saaxiibadiisa ah, xawaarihiisa ayaa lagu sheegay 80m/s marka uu garoonka ku jiro.
Artur Vidal (Juventus): waa mashiinka naadiga Juventus kuna caan baxay inuu kooxdiisa marna kubada ka difaaco marna kubada horey u qaado waxaana ka mid yahay ragga ugu wadnaha adag qaarada Yurub wuxuuna awood u leeyahay inuu garoonka dhex jeexo 90-daqiiqo xawaarihiisa ayaa lagu sheegay 80m/s.
Thomas Muller (Bayern Munich): waa hubka u qarsoon naadiga Bayern Munich, inkastoo uusan laheyn farsamo aad u sareyso hadana waa laacibka goolasha ugu badan dhaliyo sidoo kalena goolasha ugu badan dhiibo marka uu garoonka ku jiro waxaana xawaarihiisa lagu sheegay 80m/s.
Thiago Silva (PSG): waa daafaca ugu wnaaagsan qaarada Yurub waxaana la hubaa weeraryahankii uu raaco inuusan garoonka ka dhex muuqan karin waxaana xidigan lagu amaanay kartidiisa iyo fudeedka dheeraadka ah ee uu leeyahay waxaana xawaarihiisa lagu sheegay 80m/s.
Radamel Falcoa (AS Monaco): weeraryahanka reer Colombia marka uu kubada lugta ku dhigo indho kale malahan oo ahayn inuu shabaqa garoonka ku hubsado waxayna kala kulmaan daafacyada dhibaato farabadan sidaa darteed xawaarihiisa waxaa lagu sheegay 85m/s.
Zlatan Ibrahimovic (PSG): waaya araga reer Sweden weeraryahanada kale wuxuu dheer yahay awood iyo caqli farabadan waxaana usii dheer inuu kubada meel fog kasoo bilaabo marka uu garoonka ku jiro waxaana xawaarihiisa lagu sheegay 85m/s.
Bastian Schweinesteiger (Bayern Munich): inkastoo haatan uu khadka dhexe ka cayaaro hadana Bastian waa laacib orod badan marka uu kubada lugta ku dhigo wuxuuna xariif ku yahay qeybinta iyo jebinta kubada mana sahlano in labadaas shaqo la isku qabto waxaana xawaarihiisa lagu sheegay 85m/s.
Roberto Lewandowski (B. Dortmund): shaki kuma jiro inuu yahay weeraryahanka ugu wanaagsan qaarada Yurub waxaana la wada xasuustaa dhibaatadii uu Real Madrid u geestay xili cayaareedkii hore, Roberto can ayuu ku yahay inuu kubada kaga dheereeyo daafacyada raacayaan waxaana xawaarihiisa lagu sheegay 85m/s.
Mesut Ozil (Arsenal): inkastoo Ozil uusan ahayn cayaaryahan raacis badan ama marwalbo ordo marka uu garoonka ku jiro hadana xidigan wuxuu qatar ku yahay marka uu kubada lugta ku dhigo si sahlan ayuu goosha ku gaaraa weliba asigoo awoodo inuu kubada dhigo meel halis ah xaawarihiisa ayaa lagu sheegay 90m/s.
Eden Hazard (Chelsea): weerarka reer Belgium labo tayo ayuu isku darsaday taasi oo ah inuu kubada si wacan u farsameeyo iyo asigoo awood u leh inuu daafacyada orod kaga tago wuxuuna ku caan baxay inuu 90-daqiiqo marnaba istaagin waxaana xawaarihiisa lagu sheegay 90m/s.
Marco Reus (B. Dortmund): xidigan halmar ayuu caalamka iska baray waxaana la iloobi karin qaab cayaareedkii wanagsanaa ee uu soo bandhigay xili cayaareedkii hore weliba shaxdii Dortmund Finalaha Champion-ka ku gaartay isaga ayaa agaasimyay madaama uu inta badan xawaare iyo orod dheeraad ah kaga tagi jiray daafacyada waxaana xawaarihiisa lagu sheegay 90m/s.
Grathe Bale (Real Madrid): laacibka aduunka ugu qaalisan xili cayaareedkii hore Premiership-ka wacdaro aan horey loo arag ayuu k dhigay wuxuuna halis ku yahay laadkiisa toosan iyo asigoo aad u dheereeyo mana jiro daafac hor istagi karo marka ay noqoto kubadaha weerar celiska ah waxaana xawaarihiisa lagu sheegay 95m/s.
Franck Ribery: waa 30-jir hadana kubada u cayaaro sida 20-jir oo kale wuxuuna masuul ka ahaa in Bayern ay ku guuleesato xili cayaareedkii hore sedex koob oo muhiim ah, Franck ma gool dhalis badno laakiin waa kubad dhiibis badan yahay sidoo kalena daafacyada ayagoo arkayaan ayuu dhulka kaga tagaa, cayaaryahanka Yurub ugu wanaagsan xaawarihiisa waxaa lagu sheegay 95m/s.
Cristiano Ronaldo (Real Madrid): xidigan markii uu dhalinta yaraa ilaa haatan aadbay u adag tahay in la raaco waayo waa xidig orod badan weliba asigoo kubada lugta ku haayo ayuu daafacyada orod kaga tagaa wuxuuna sameeyaan inuu laad awood badan ridi karo inka badan 30-jeer asigoo garoonka ku jiro mana ahan xidig daalo, xaawirihiisa ayaa lagu sheegay 97m/s.
Lionel Messi (Barcelona):Messi waa mucjisada kubada cagta waxaa dhici karto in xidigaha kor ku xusan sida Bale iyo Ronaldo ay ka orod badan yihiin caadi ahaan balse marka kubada lugta lagu dhigo loona dhow yahay goosha ma jirto cayaaryahan ku xawaaro ah waayo mararka qaar daafacyada raacayaan ayaa qirtaan in Messi uu yahay cayaaryahanka caalamka ugu xawaaraha sareeyo waxaana xawaarihiisa lagu sheegay 98m/s.