Kooxaha reer Yurub kubadooda hormar sare ayay sameesay sdoo kalena waxa soo iibsadan xidigaha ugu caansan qaarada Yurub balse waxaa jiraan naadiyo hal magaalo ka dhisan kuwaas oo uu ka dhaxeeyo xifaaltan meel xun maraayo inta badana abuuro naceel iyo dagaal joogto ah oo ay taageerayaashooda isku qaadaan sidaa darteed maanta waxaan idiin heynaa 10-ka Derby ee Yurub ugu xamaasada badan iyo heerka uu xifaaltankooda maraayo, fadlan hoos kaga bogo kooxaha iyo sawirada Derby Matches-ka lasoo xulay:
Waa derbiga ugu cimiriga dheer qaarada Yurub wuxuuna soo bilaawday xifaaltanka labadan naadi sanadii 1888 inta badana horyaalka Sotland labadan naadi ayaa iska qaataan balse dhawaan kooxda Rangers ayaa heerarka hoose u laabatay.
waa kulankan adag oo Derby ah dabcan inta badana gacanta ayay isugu tagaan taageerayaasha labadan naadi.
Waa darbiga ugu adag ee dalka Jarmalka laga cayaaro waxaana labadan naadi ka dhaxeeyo waxaana xusid mudan in Dortmund iyo Schalke in naceebkooda uu meeshii ugu sareesay gaaray.
“The Rome Derby” waa midka ugu adag Serie A-da waxaana ka dhaxeeyo labadan naadi xifaaltan duqoobay!
#6. Real Betis vs Sevilla
#7. Sporting Lisbon vs. Benfica
#8. AC Milan vs. Inter Milan
Waxaa laguu tiriyaa Derbiga ugu adag qaarada Yurub wuxuuna xifaaltankooda soo bilaawday 1900
london derby waa mid xiiso badan madaama labadan naadi ay ka wada dhisan yihiin Waqooyiga London inta badana Arsenal ayaa awood badnaan jirtay balse sanadihii ugu dambeeyay waxay noqdeen labo naadi oo isku awood ah dhibcahana kala qaataan
Mersyside derby waa kulanka ugu xiisaha badan England balse labadan naadi xifaaltanooda ayaa meel xun maraayo madaama uusan jeecal iyi tixgalin ka dhaxeeynin