Waxaa siweyn isku soo taraayo wararka ku aadan in weeraryahanka xulka France Karem Benzema uu usoo dhaqaaqi doono kooxda Arsenal horaanta bisha Janaayo sidoo kale kooxda Real Madrid maamulkeeda ayaa dhankooda ka qirtay in Benzema uusan haatan heesanin kalsooni uu garoonka Bernabue kaga sii cayaaro sidaa darteed macalin Arsene Wenger oo xidigan taageero weyn u ah ayaa doonayo inuu ka faa’iideesto marxalada uu ku sugan yahay sidoo kalena uu garoonka Emirates keeno bisha Janaayo si kooxdiisa Arsenal dhanka weerarka isaga xoojiso waayo Olivier Giroud oo kaliyay ayay Gunners-ka heestaan.
Balse shabakada Sports Direct News ayaa ka dhawaajiyay in Arsenal ay ku qarash gareyn doonto saxiixa weeraryahankan aduun lacageed oo gaarayo £43m dabcan waa qiimo ka badan midi ay Mesut Ozil Arsenal kaga soo iibsatay Real Madrid aqbaartan ayaa shux shux xoog leh ka dhex abuurtay taageerayaasha daacada u ah Gunners-ka waxayna intooda badan isku raaceen in Benzema xiligan la joogo uusan qiimahaas u qalmin balse xog kale oo laga helay caasimada dalka Spain ayaa sheegayo in Arsenal ay 25-jirkan ku dooneyso £38m waana qiimaha ay Real Madrid horey u sheegtay inay kaga samri karto xidigan oo horey ugu cayaari jiray naadiga Lyon.