Home » Horyaalada » Bundesliga » Mats Hummels Oo Meesha Ka Saaray Inuu Xagaagan Ku Biiri Doono Man United

Mats Hummels Oo Meesha Ka Saaray Inuu Xagaagan Ku Biiri Doono Man United


Hummels

Daafaca kooxda Borrusia Dortmund Mats Hummels ayaa carabaabay iney macquul tahay ku biiritaanka Manchester United mustaqabalka, balse uusan diyaar u aheyn inuu xagaagan ka mid noqdo kacdoonka cusub ee Louis Van Gaal uga bilaaban doona Premier League.

25-jirkaan heerka caalami ayaa ka mid ah wiilasha ugu muhiimsan ee uu Van Gaal la doonayo Man United xagaagan madama daafaca kooxda uu xogaa jilcan yahay.

Si Kastaba Hummels oo haatan ka mid ah xidigaha xulka Jarmalka ee ku sugan Brazil iyagoo kala qeyb galaya xulkooda koobka Aduunka ee ka socda dalkaas, waxeyna guushoodii ugu horeysay ka heleen Portugal iyagoo ku dhuftay 4-0 wuxuuna ahaa dhaliyaha goolka labaad ee Wiilasha Joachim Low.

“Waligey kama fakarin taas, ama ka hadalkeeda, sababtoo ah waa wax aan muhiim ii aheyn waqtigaan” ayuu Mats Hummels u sheegay Dialy Telegraph.

“Waa laga yaabaa iney maalin dhacdo, balse ma rajeynayo iney xili ciyaareedkaan dhaceyso”

Mats Hummels ayaa ka mid ah udub dhexaadka kooxda Dotmund oo uu macalinka u yahay Jurgen Klopp inkastoo sidoo kale ay dooneyso Barcelona.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close