Daafaca xulka Jarmalka iyo naadiga Dortmund Mats Hummels ayaa si rasmi ah uga hadlay mustaqbalkiisa cayaareed.
Daafacan tayada wanaagsan ayaa farxad galiyay taageerayaasha Dortmund xili uu ka dhawaajiyay inuu garoonka Signal Iduna Park sii joogi doono.
26-jirkan oo mustaqbalkiisa cayaareed ka hadlaayo wuxuu yiri “Mar hore ayaan go’aansaday inaan Dortmund lasii joogo”
“Waxaa jiraaan xan badan oo ku wajahan mustaqbalkeyga balse diyaar uma ihi inaan xagaagan isbadal sameeyo”
“Dabcan waa sharaf in kooxaha aduunka ugu wanaagsan oo ay Man United ka mid tahay inay xiiso ii qabaan”
“Balse Dortmund ayaan lasii joogi doonaa weliba waa ii farxad mudo 7-sano ah inaan maaliyada Dortmund xiranahay”
Daafacan xulka Jarmalka xagaagii dhawaa kula guuleestay koobka aduunka ayaa ugu dambeyntii sheegay inuu Bundesligaha Jarmalka isaga tagi doono dhowr sano kadib balse xiligan uusan kooxdiisa u baahan ka tagi doonin.