Javier Mascherano ayaa ugu baaqay dhamaan xidigaha xulka Argentina inay is dajiyaan ka hor kulanka adag oo ay caawo la cayaari doonaan xulka Holland Semi-Finalaha labaad ee koobka aduunka, Mascherano oo ah laacib waayo arag ah sidoo kalena marar badan kooxaha Liverpool iyo Barcelona u cayaaray Finalaha koobka horyaalada Yurub ayaa la dar daarmay laacibiinta xulka Argentina wuxuuna yiri
“Halgan dheer ayaan usoo galnay si aan usoo gaarno nus dhumaadka koobka aduunka welina halgeena ma dhamaanin sidaaa darteed waxaa loo baahan yahay inaan isdajino sidoo kalena aan u dul qaadano cadaadiska nasoo wajihi doono caawo hadii aan labadaas arin sameyno waan hubaa inaan Holland ka badin karno”
Mascherano oo la hadlaayay FIFA.com ayaa soo dhaweeyay qaab cayaareedka xulkiisa tartankan inkastoo dadka qaar ay dhaliileen qaabka Argentina wuxuuna xidigan yiri
“ma sahlano in labo kulan oo Knock out-ka ah aad min 1-0 ku badisid anagana waxaa inoo suura gashay inaan xulalka Switzerland iyo Belgium gool u diidno waana shaqo adag sidaa darteed aadban ula dhacsanahan nidaamka aan kubada u cayaareyno”
Ugu dambeyntii Mascherano ayaa siweyn u amaanay saameynta uu Lionel Messi ku leeyahay xulkiisa Argentina wuxuuna sheegay in Messi sanadkan uu dadaal dheeraad ah sameeyay sidoo kalena u qalmo inuu xulkiisa koobka aduunka u qaado.
Profile