Kubad sameeyaha kooxda Manchester United iyo Xulka Belgiumka Marouane Fellaini ayaan xaqiijin karin sii joogitaankiisa kooxda ku ciyaarta garoonka Old Trafford xagaagan.
26-jirkaan reer Belgium ayaa xili ciyaareedkii hore kusoo biiray United isagoo 27.5 Malyan Oo Pound kaga soo biiray inkastoo ay dib u dhigeen bandhigiisa fiican dhaawacyo iyo waqti la’aan ku heshay inkastoo uu saftay 16-kulan Premier League.
Fellaini ayaa lala xiriirinayaa inuu ka tagi doono kooxda Manchester United kadib markii tababare Louis Van Gaal oo xilka kooxdaan la wareegi doona kadib koobka Aduunka uu shaaciyay in xidigaan uusan ku jirin qorshihiisa kooxda xili ciyaareedka soo aadn.
Sky Sports ayaa xidigaan weydiisay hadii uu xili ciyaareedka soo socda baaqi kusii ahaan doono garoonka Old Trafford iyo hadii kale wuxuuna ku jawaabay: “Waan arki doonaa kadib koobka Aduunka”
Fellaini ayaa dhamaan kasoo wada muuqday kulamadii afarta ahaa ee xulkiisa Belgiumka uu ciyaaray koobka Aduunka ee 2014, balse hal jeer ayuu shabaqa soo taabtay waana furitaankii koobka kulan ay 2-1 kaga badiyeen Algeria.
Sky Sports ayaa mar kale su’al weydiisay Fellaini:
Miyaad cadeysay bandhigaagii qurxoonaa marka la eego qaab ciyaareedka aad kasoo bandhigtay koobka Aduunka?
“Waxba ma cadeynin, waxaan aha xirfadle kubada cagta sideed sano”
Profile