Tababaraha xulka reer Latin America ee Argentina ayaa amaan baahsan kala duldhacay kabtankiisa Lionel Messi kadib guul soo daahday oo ay ka gaareen dhigooda Iran, wuxuuna tababare Alejandro Sabella isku qanciyay in wax walba ay yihiin macquul marka aad heysato Lionel Messi.
Xulka Albiceleste lagu neynaaso ayey ku adkaatay inuu dhaafo Iran oo goolka safatay inkastoo qudheeda weeraro gaadmo ah lagu qaadayay hadana 90-kii daqiiqo waxey ciyaartu noqotay 0-0.
Si Kastaba waqtigii dhimashada ee lagu kordhiyay ciyaarta Messi ayaa 20Yard meel u jirta kasoo toogtay goolka iyadoo ay xusid mudan tahay in 11-ka xidig ee reer Iran ay ku wada sugnaayeen xerada ganaaxa.
Guushaas ay gaareen Argentina waxey u suuragalisay iney xaqiijiyaan booskooda Wareega 16-ka, inkastoo Sabella uu qirtay iney mareen tijaabo aad u adag.
“Wuxuu ahaa kulan aad u adag” Ayuu warfiydiyeenada u sheegay, “Iran wey is difaacday in badan, balse dad badan ayaa naga sugayay inaan isbadal sameyno”
“Qeybtii hore ciyaarta, waxaan helnay afar ilaa shan fursadood oo gool noqon karay”
“Kadib, qeybtii labaad waxaan la falgalnay weeraradooda gaadmada ah iyadoo kooxda ay si adag u shaqeysay”
“Balse Messi aad ayuu u xoogan yahay, marka aad isaga heyato wax walba waa suuragal, waa xidig go’aan qaadasho badan” ayuu Tababare Alejandro Sabella kusoo afjaray hadalkiisa.
Profile