Weeraryahanka naadiga AC Milan Mario Balotelli ayaa ka dhawaajiyay inuu marwalbo ku riyoon jiray sidii isaga iyo saaxiibkiis Carlos Tevez dib ugu midoobi lahaayeen kooxda AC Milan,
Super Mario ayaa sheegay in isaga iyo Tvez ay ku dhibanaayeen naadiga Man City sidoo kalena wada rabeen inay isaga baxsadaan cadaadiskii uu ku yahay macalin Roberto Mancini kadib markii Balotelli bilawgii sanadkan ay u suura gashay inuu AC Milan usoo dhaqaaqo wuxuu xidigan rajo weyn ka qabay in bilawgii xili cayaareedkan.Tevez isna Milan imaan doono balse nasiib daro midaas ma dhicin wuxuuna weeraryahanka reer Argentina go’aansaday inuu kooxda Juventus ku biiro.
Mario oo u waramaayay wargeska Gazzetta dello Sport wuxuu yiri “Carlos waa cayaaryahan aad u wanaagsana waxaana waqti wanaagsan ku wada qaadanay Man City marar badan ayaa wacay bilawgii sanadkan waxaana isku dayay inaan ka dhaadhiciyo sidii uu Milan ku imaan lahaa balse nasiib daro go’aan aan ka fileyn ayuu qaatay wuxuuna naga doortay kooxda Juventus!” sidoo kale xidigan ayaa la weydiiyay inuu cayaaraha iska dhaafi doono madaama rabshadiisa badatay wuxuuna kaga jawaabay “xitaa Lionel Mess iyo Cristiano Ronaldo way caroodaan marka maxay tahay sababta aan cayaaraha uga fariisan doono hadafkeyga wuxuu yahay inaan waqti dheer garoomada kusii jiro”