Jamaahiirta Liverpool oo aan marnaba jecleyn in Mario Balotelli uu dib ugu laabto dhaqankii xumaa ayaa farxad kusoo dhaweeyay iyagoo u heeshay kulankiisii ugu horeeyay kooxdiisa cusub.
Qeyb ka mid ah garoonka White Hart Lane ayaa laga maqlayay hees ay Jamaahiirta Reds ugu tala galeen iney kusoo dhaweeyaan saxiixooda cusub Mario Balotelli, taasoo sabab u noqotay inuu qaab ciyaareed qurux badan soo bandhigo kulankii ay Tottenham 3-0 ku xaaqeen isbuucaan bilowgiisii.
Jamaahiirta Liverpool ayaa ku heesahay erayo soo jiidasho leh oo farxad galiyay Super Mario Balotelli: “Mario fantastico, Mario magnifico, ole ole, ole ole’
Si Kastaba Balotelli ayaa cadeeyay sida uu ugu faraxsan yahay soo dhaweynta Jamaahiita Liverpool isagoo Facebook-giisa soo galiyay muuqaal yar oo ka turjumaya heestii ay u qaadeen jamaahiirta isla markaana wadata qoraal yar oo u qorneyd sidan: “Tani waa sababta aadan kaligaa u shaqeyn karin, ala maxey tahay soo dhaweyn”
Sidoo kale Mario ayaa kadib guushii Spurs soo dhigay mar kale facebook-giisa sida uu ugu faraxsan yahay guushiisa koowaad ee Liverpool: “Guul weyn &qibrad cajiib leh kulankeygii ugu horeeyay maaliyada Liverpool, Jaamaahiirta waxey ahayeen kuwo cajiib ah”
Balotelli ayaa intaas ku daray: “Hambalyo Capitano, rikoorka cusub ee aad ka dhigtay Ingiriiska madama aay 16-sano oo xiriir ah gool ka dhalisay, Guul Steven Gerrard, maalin layaab leh”
Ugu dambeyntii Balotelli ayaa 16 Malyan oo pound ugu soo biiray kooxda Liverpool isagoo kasoo hayaamay Ac Milan wuxuuna kulankiisa labaad ee Liverpool iyo kulankiisii koowaad ee Anfield ciyaari doonaa 13-ka September markaas oo ay Aston Villa la ciyaari doonaan.