Rajada Ingiriiska ee koobka Aduunka ayaa ceel ku dhacday xalayto markii Uruguay oo kaashaneysa Suarez ay 2-1 ku dirqiyeen xulka Sadexda libaax taasoo noqotay guuldaradii labaad oo soo gaartay xulkaan kadib markii furitaankii 2-1 guuldaro ah ay kala kulmeen Azzurri.
Si Kastaba weeraryahanka reer talayani Mario Balotelli ayaa shumis ka dalbaday boqorada Ingiriiska hadii ay xulka Talyaaniga ay guul ka gaaraan Costa Rica markaas oo rajada England ee koobka Aduunka ay u muuqaneyso mid iftiin yar gees ka heleysa.
Inkastoo rajada yar ee soo iftiintay England ay shaqo adag sii hortaalo oo ah kulanka Uruguay iyo Talyaaniga iyo kan ay Costa Rica la ciyaari doonaan qudhooda.
Laba guul oo ay gaaraan Italy ayaa Ingiriiska gacan weyn siin karta, sidoo kalana Super Mario Balotelli oo mar kasoo ciyaaray horayalka ingiriiska ayaa yiri:
“Hadii aan garaacno Costa Rica waxaan shumis cad oo dhabanka ah ka doonayaa boqorada UK”