Home » Maxaa Cusub » Mario Balotelli Oo La Hadlay Xulalka Koobka Aduunka: “Waa Inaad Ka Cabsataan Italy”

Mario Balotelli Oo La Hadlay Xulalka Koobka Aduunka: “Waa Inaad Ka Cabsataan Italy”


Balotelli

Weeraryahanka Xulka Azzurri Mario Balotelli ayaa la hadlay xulalka ka qeyb galaya koobka Aduunka isagoo u sheegaya iney ka cabsadaan Italy kadib guushii ugu horeysay ay ka gaareen koobka Aduunka, England ayeyna 2-1 ku qaarijiyeen.

“Waxey ii tahay dareen weyn waligey ma ciyaarin koob aduun” Ayuu 23-jirkaan u sheegay Sky Sport.

“Waxaan goolkeyga u hadiyeeyay xaskeyga mustaqbalka, qoyskeyga kuwaas oo is garab taagan iyo asxaabteyda”

“Waxaan u dhaqaaqi doonaa talaabo talaabo, England waa xul fiican, si fiican ayaan u ciyaarnay, si kulul ayey noola halgameen, balse muhim ayey aheyd inaan badino”

“Dhamaan Xulalka waxey leeyihiin qiimo baqdin, balse haatan waa in qof walba uu naga cabsado”

Dhanka kale Balotelli ayaa rajeynaya in Italy ay soo gaarto wareegyada xiga ee koobka Aduunka, isagoo ka filanaya in xulkiisu ay garaacaan Costa Rica iyo Uruguay oo ah labada xul ee ugu soo xiga kulankii xalay.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close