Home » Horyaalada » Bundesliga » Marco Reus Oo Loo Magacaabay Xidiga Ugu Wanaagsan Xili Ciyaareedkan horyaalka Jarmalka

Marco Reus Oo Loo Magacaabay Xidiga Ugu Wanaagsan Xili Ciyaareedkan horyaalka Jarmalka


Marco Reus wearing the latest PUMA PowerCat 1 FG football boot.

Kubad sameeyaha dhanka weerarka ee kooxda Borrusia Dortmund Marco Reus ayaa ku guuleystay xidiga ugu wanaagsan horyaalka Jarmalka xili ciyaareedka 2013/2014.

Xidigaan reer Jarmal ayaa helay codad dhan 28.6% wuxuuna booska ka galay saaxiibkiisii hore Robert Lewandowski kaas oo isna helay 20.3%.

Arjen Robben oo Bayern ka tirsan ayaa gay booska sadexaad isagoo helay 10.1%. Sidoo kale da’yarka Schalke 04 Max Mayer & kan Dortmund Durm ayaa iyagana kala helay codad dhan 15.3% iyo 13.4%.

Sidoo kale tababarha kooxda Ausburg Markus Weinzierl ayaa noqday tababarahii ugu fiicnaa horyaalka kuwaas oo horyaalka ku dhameystay kaalinta 8-aad iyagoo guulo waaweyn ka gaaray kooxha Bayern Munich iyo Borrusia Dortmund.

Dhanka kale waxaa la magacaabay kooxda xili ciyaareedk waxaana xidigaha ugu badan iska leh kooxda horyaalka ku guuleysatay ee Bayern Munich: Manuel Neuer, Phillip Lahm, Dante, Mats Hummels, David Alaba, Arjen Robben, Thiago Alcantara, Marco Reus, Franck Ribery, Robert Lewandoswki & Mario Mandzukic

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close