Home » Latin America » Maradona “Messi Uma Qalmin Inuu Ku Guuleesto Kubada Dahabka!”

Maradona “Messi Uma Qalmin Inuu Ku Guuleesto Kubada Dahabka!”


Messi

Inkastoo FIFA ay u aqoonsatay Lionel Messi inuu ahaa laacibka ugu wanaagsan koobka aduunka 2014 hadana Diego Maradona ayaa abaal marinta la siiyay xidiga ay isku dalka yihiin kasoo horjeestay wuxuuna sheegay in Messi uu yahay laacib aad u wanaagsan balse uusan u qalmin in kubada dahabka l siiyo wuxuuna Maradona yiri “Sax ma ahan in shaqsi la siiyo abaal marin uusan u qalmin waayo Messi in badan waa laga wanaagsanaa balse aragti kale ayaa lagu siiyay sidoo kalena arin suuq geyn iyo xushamd ka dambeyso ayuu Messi biladan qaaliga ah ku calfaday!”

Maradona oo sanadii 1986 asigoo kabtan ah u qaaday xulka Argentina koobka aduunka ayaa geeska kale sheegay in guuldaradii xulkiisa soo gaartay ay aa u dhawaacday wuxuuna yiri “aadban uga xumahay guuldaradii nagu dhacday qaasatan goolkii Gotze qalbi jab ayuu igu riday, waxaan u maleynaa ugu yaraan Argentina inay u qalmeen in cayaarta rigoorayaal lagu kala baxo”

Ugu dambeyntii Maradona ayaa dhaliilay go’aankii uu macalin Sabella ku badalay Ezequiel Lavezzi wuxuuna yiri “ma fahmin sababta Lavezzi uu garoonka ugu soo laaban waayay qaybtii labaad waayo qaybtii hore daafaca Jarmalka dhibaato badan ayuu u geestay laakiin Aguero waxba soo kordhinin sidaa darteed badalkaas Sabella wu ku fududaaday”


Close