Home » Maxaa Cusub » Maqaal: Todoba Saxiix Oo Arsenal U Hogaamin Kara Iney Ku Guuleysato Horyaalka Premier League

Maqaal: Todoba Saxiix Oo Arsenal U Hogaamin Kara Iney Ku Guuleysato Horyaalka Premier League


7 signing

Arsene Wenger ayaa heshiis cusub u saxiixay kooxdiisa inuu kula sii joogayo sadexda sano ee soo aadan isagoo sanadii qaadan doona 8 Malyan, balse waa muhiim inuu ku fakaro inuu ka baxo abaarta koob la’aan ee ka heysata Premier League mudada 10-ka sano ah madama 2003/2004 ay ugu dambeys ku guuleysigiisa.

Gunners ayaa 9-sano kadib ku guuleysatay koobka FA Cupka kadib markii ay 3-2 kaga qaadeen kooxda Hull City kulan ka dhacay Wembley, iyagoo soo afaray abaar mudo badan heysata.

Arsenal ayaa lumin doonta ugu yaraan sadex xidig kuwaas oo la filayo iney isaga tagaan marka laga soo tago Bacary Sagna oo ka tagay kooxda kuna biiray Manchester City sida ay sheegeen saxaafadda ingiriiska, sidoo kale Thomas Vermalean, Fabianski & Mikel Arteta ayaana isaga dhaqaaqi doona kooxda.

Sidoo kale Lukas Podolski ayaan la hubin mustaqbalkiisa kooxda balse wuxuu ka mid yahay xidigaha ugu muhiimsan ee kooxda ay haatan heysato.

Si Kastaba Waxaa lasoo calaameeyay 7-xidig oo Arsenal u sahli kara iney horyaalka ku guuleysan karto xili ciyaareedka soo aadan hadii ay isku heso.

Morgan Schneiderlin (Daafac, Southampton)

Waa daafac adag oo ka mid ah daafacyada ugu wanagsan horyaalka Premier League wuxuuna u ciyaaraa kooxda Southampton, Wenger ayaana ku raad jooga isagoo doonaya inuu badal kaga dhigo Bacary Sagna

Lars Bender (Burburiye, Bayer Leverkusen)

Xidigaan reer Jarmal mudo dheer ayey ku raad joogtaa kooxda Gunners balse ilaa hatan kua guuleysan, inkastoo uu sheegay inuu sii joogayo kooxdiisa hadana wuxuu badal fiican u noqon karaa Flamini iyo Arteta madama uu yahay burburiye wanaagsan.

Javi Martinez (Burburiye, Difaac, Bayern Munich)

Xidigaan reer Spain waa kubad burburiye sida caadiga ah balse wuxuu awoodaa inuu buuxiyo daafaca dhexe hadii looga baahdo, Wenger ayaana ku raad jooga xidigaan aan booska ka heysan kooxda Bayern Munich.

Loic Remy (Weerar, QPR)

Wuxuu leeyahay qaab ciyaareedka halyeeygii Gunners Thierry Henry, Wenger ayaa la doonaya inuu ku hilmaamo Giroud iyo Bendtner.

Benzema (Real Madrid) ama Mandzukic (Bayern Munich)

Waa muhiim in labadaan xidig mid ka mid ah uu yimaado Gunners si ay awoodooda weerar ugu caawiyaan kooxdaan ka liidata weerarka.%0

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close