Rajadii yareyd ee Man United ay ka laheed iney isku taxalujiso usoo bixitaanka Champions League xili ciyaareedkaan ayaa gabi ahaanba soo afjarantay iyadoo kooxda Manchester United aysan ka qeyb gali doonin quri-tuurka Champions League xili ciyaareedka 2014/2015.
Kadib Guuldaradii kasoo gaartay Everton Manchester United ayaa booska afaraad ee horyaalka u jirsatay 13-dhibcood iyadoo gacanta ku heysata kaliya afar kulan oo hadii ay dhamaan guul gaarto xitaan aanan u suuragalin karin iney soo xaadirto Champions League waana marxalad ku cusub United.
Sidoo kale Manchester United ayaa ka fakari doonta sidii ay ugu soo bixi laheyd koobka Europa League oo laga carqaladeyn karo lagana yaabo iney weyso hadii ay ku dhameysato booskaan isla markaana ay kooxda Hull City ku guuleysato koobka FA Cupka madama kooxaha Ingiriiska laga doonayo kaliya 3 Koox.
Hadaba Akhriste makula tahay in Man United ay ku dhameysan karto booska Europa League xili ciyaareedkaan?