Weeraryahanka ahna xidig khadka dhexe ka ciyaari kara ee kooxda Borrusia Dortmund Marco Reus ayaa iska diiday inuu xaqiijiyo inuu heshiis cusub u saxiixay kooxdiisa kadib markii ay wargeysyada dalka jarmalka shaaciyeen in xidigaan uu heshiis cusub saxiixay shalayto.
Kooxda Manchester United ayaana xidigaan bartilmaameedka koowaad ka dhiganeysa, inkastoo 24-jirkaan uu ku faraxsan yahay joogitaanka garoonka Signal Iduna Park hadana wuxuu qiray ineysan jirin wax heshiis cusub oo uu saxiixay ilaa haatan.
Marco Reus ayaa wax laga weydiiyay hadii ay wax ka jiraan wararka la xiriirinaya inuu heshiis cusub u saxiixay kooxdiisa Dortmund, “Waxba kama dhihi karo wararkaas mana jirto wax heshiiskeyga ku saabsan oo dhacay”
“Balse waxaan heystaa waqti aan ku muujin karo inaan ku faraxsanahay Dortmund iyo in kale”
Marco Reus ayaa dhaliyay goolkii barbardhaca ee ay kooxdiisa ku barbareysay Leverkusen isbuucaan.