Home » Maxaa Cusub » Manchester United Oo Wali Xiiseyneysa Burburiyaha Inter Milan Freddy Guardin

Manchester United Oo Wali Xiiseyneysa Burburiyaha Inter Milan Freddy Guardin


Guarin

Tuttosport ayaa ku warantay in kooxda Manchester United ay diyaar u tahay iney Inter Milan kala xaajooto saxiixa burburiyaha reer Colomobia freddy Guardin kaas oo ay ku fashilmeen saxiixiisa bishii January ee sanadkaan.

Kooxda Sansiro ka dhisan ayaa horay shaaca uga qaaday in xidigii hore Porto uu albaabka Milan kaga bixi karo 18 Malyan Oo euro tasoo hami galisay kooxda uu hogaankeeda la wareegay Van Gaal oo dhibaato dhanka qadka dhexe ah ay heysato.

Sidoo kale Tuttusport ayaa aaminsan in Man United ay hal dhibaato la kulmi karto taasoo ah in Juventus ay dhinac ka dooneyso xidigaan isla markaana bishii January ay qarka u fuushay iney la wareegto.

Juventus ayaa wali ku riyooneysa iney Torino keento xidiga ugu wanaagsan Inter Milan madama ay cabsi ka qabto in Real Madrid ay la saxiixato Arturo Vidal oo mashiin u ah kooxda Antonio Conte uu hogaamiyo.

Freddy Guarin ayaa waayay kulankii ugu horeeyay xulkiisa Colombia ay guusha ku bilaabeen koobka Aduunka markii ay 3-0 ku dhaafeen Greece kulan xiiso badnaa madama uu ganaax ku maqnaa.

Ugu dambeyntii Louis Van Gaal ayaa lala xiriirinayaa in Guarin uu la doonayo maamulka khadka dhexe Old Trafford inkastoo Inter Milan aysan ka hadlin xaalada xidigeeda reer Colombia.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close