Home » Maxaa Cusub » Manchester United Oo Ku Guuleysatay Saxiixa Xidig Ay Liverpool Mudo Badan Ku Raad Joogtay

Manchester United Oo Ku Guuleysatay Saxiixa Xidig Ay Liverpool Mudo Badan Ku Raad Joogtay


Yevhen Konoplyanka

Wararka ka imaanayo magaalada Kiev ee dalka Ukraine ayaa sheegayo in kooxda Man United ay ku guuleesatay saxiixa kubad qaabeeye Yevhen Konoplyanka kaasi oo ka tirsan naadiga FC Dnipro.

Xidigan tayada wanaagsan oo ka weerar galo labada garbood ee khadka dhexe ayaa siweyn loola xariirinaayay naadiga Liverpool wuxuuna ku sigtay bilawgii sanadkan inuu garoonka Anfield usoo dhaqaaqo balse haatan United ayaa lagu soo waramaa inay saxiixiisa ku guuleesatay waxayna kula soo wareegi doontaa £12million sidoo kalena kooxdiisa Dnipro ayaa qiimahan lacageed aqbasha.

27-jirkan ayaa lagu wadaa inuu garoonka Old Trafford usoo dhaqaaqo marka uu fasaxiisa xagaagan dhameesto si uu heshiiskan u dhameestiro. Konoplyanka ayaa xili cayaareedkii dhamaaday kooxdiisa Dnipro u saftay 27-kulan wuxuuna dhaliyay 8-gool balse reer England aqoon wanaagsan ayay xidigan u leeyihiin madaama uu dhaliyay goolkii bar bar dhaca 1-1 ku kala baxeen England iyo Ukraine kulankii isreeb reebka koobka aduunka weliba garoonka Wembley ayuu ku dhaliyay.

Xogta laga helaayo dalka Ukraine ayaa sheegeyso in Konoplyanka uu shaqsi ahaantiisa aqbalay dalabka Man United waxaana lagu wadaa inuu noqdo cayaaryahanka ugu horeeyo oo ay xagaagan lasoo saxiixato kooxda ku cayaarto garoonka Old Trafford sidoo kalena Konoplyanka waxaa saxiixiisa dadaal weyn ugu jirtay naadiga Tottenham oo dhankeeda qiratay in United ay kaga guuleesatay saxiixiisa.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close