Kooxda Man United oo baahi weyn u qabto xidig kubad u qeybiyo ayaa sheegtay inay ku guuleesan rabto saxiixa kubad sameeyaha xulka Jarmalka iyo kooxda B. Dortmund Ilkay Gundogan sidaa darteed United ayaa dhankeeda sheegtay in Gundogan haatan usoo dhaqaaqi doono garoonka Old Trafford marka la gaaro bisha Janaayo.
Xidigan aad ka ugu wanaagsan wanaagsan kubad dhisida sidoo kalena awood u leh inuu kubada raaco ayaa ka biyo diidan inuu kooxdiisa Dortmund heshiis cusub u saxiixo sidaa darteed kooxda reer Jarmal ayaa sheegtay inay Gundogan ka iibin doonto kooxdii la timaado £25m waxaana haatan lacagtaas diyaar la ah Man United oo aad isha ula raaceesay xidigan dhalinta yar.
Sida laga soo xigtay Sport Direct News, Man United ayaa heshiis horhdac ah la gaartay 22-jirkan sidoo kalena wakiilkiisa ayaa isna qirtay inay dalabka United aqbaleen balse wuxuu sheegay in weli Dortmund aysan dalabka Man United aqbalin.
Red Devils ayaa ku kalsoon inay Dortmund kasoo qaadan karto Gundogan madaama labadan koox uu xiriir aad u wanaagsan ka dhaxeeyo sidoo kalena ay 18-bilood ka hor kala soo wareegtay xidiga reer Japan Shingi Kagawa sidaa darteed meesha lagama saari karo in Gundogan ay bisha Janaayo United lasoo saxiixan doonto waxaana lagu wadaa in xidigan tayada wanaagsan uu buuxiyo boosaskii ay ku fashilmeyn xidigaha kala ah Anderson iyo Darren Fletcher.
Waxaa Aqrisay: (215)
Mogadishu - Somalia