Home » Maxaa Cusub » Manchester United Oo Ku Dhaw Luke Shaw, Halka Mustaqbalka Cavani Ee PSG La Cadeeyay

Manchester United Oo Ku Dhaw Luke Shaw, Halka Mustaqbalka Cavani Ee PSG La Cadeeyay



Kooxda ka dhisan garoonka Old Trafford ayaa si cad loogu sheegay iney iska ilowdo weeraryahanka kooxda Paris Saint Germain Edinson Cavani kaas oo ugu jiray liiska xidigaha ay dooneyso xagaagan, waxaana kooxda ka dhisan horyaalka Ingiriiska ay u weecatay iney gacanta usoo dhigto daafaca da’da yar ee kooxda Soutampton Luke Shaw.

Metro ayaa ku warantay in PSG ay dooneyso Edinson Cavani inuu sii joogo garoonka Parc des Princes, inkastoo Chelsea qudheeda ay isha ku heysay xidigaan reer Uruguay.

Luke Shaw

Da’yarka reer England Luke Shaw ayaa noqday da’yarka loogu hadal heynta badan yahay horyaalka Ingiriiska, waxaana haatan isha ku haya Chelsea oo badal kaga dhigan rabta Ashley Cole, halka United ay dooneyso iney badal kaga dhigto Patrice Evra.

Manchester United ayaa £25million ku dooneysa iney kusoo xerogaliso xidigaan da’da yar inkastoo xidigaan uu dib u dhigay inuu Man United wadahadal la galo bishii hore markii David Moyes la ceyriyay wuxuuna doonayaa inuu ka warsugo macalinka cusub ee la magacaabi doono.

Dhanka kale Man United ayaa la rumeysan yahay iney isbuucaan soo aadan heshiis ka saxiixi doonto macalinka xulka Holland Louis Van Gaal.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close