Garabka kooxda Real Madrid Angel Di Maria ayaa u muuqanaya mid ku biiraya kooxda Manchester United kadib koobka Aduunka iyadoo ay xiiseynayaan kooxaha Arsenal iyo Chelsea.
Xidigaan reer Argentina ayaa la hadal hayaa inuu ka tagayo kooxda Real Madrid kadib xili ciyaareed aan caadi aheyn oo uu ku qaatay Bernabue isagoo Champions League kula guuleystay kooxdiisa sidoo kalana dhaliyay 11-gool caawiyayna 26-gool kale dhamaan tartamada oo dhan.
Warar ka imaanaya Spain ayaa sheegaya in Wakiilka xidigaan Jorge Mendes uu doonayo in Di Maria uu ku biiro kooxda Manchester United xili Real Madrid iyana ay ku dhawdahay saxiixa da’yarka reer Colombia James Rodriguez kaas oo ka tirsan kooxda As Monaco ee dalka faransiiska.
Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa doorbidaya inuu helo 40 Malyan Oo Pound isagoo ka samraya Angel Di Maria oo 2011 kaga soo biiray Benfica.
Si Kastaba Di Maria ayaa u muuqanaya inuu noqon doono saxiixa sadexaad ee Louis Van Gaal iyadoo Manchester United ay baahi u qabto xidig dheereeya oo ka dagaal gala garabka isla markaana ilowsiiyay Jamaahiirta United waxqabadkii Ryan Giggs ee Old Trafford.
Profile