Kooxda Manchester United ayaa la filayaa iney sameyso suuq gal baahsan marka uu tababare Louis Van Gaal kasoo dhamaado koobka Aduunka madama kooxda lagu dayactirayo 200 Malyan iyadoo haatan kaliya uu sameeyay laba saxiix Luke Shaw ayaa kaga yimid Southampton halka Herrera uu kaga yimid Atletico Bilboa.
Sidoo kale Manchester United ayaa ku raad joogta xidigo badan oo yurub caanka ah balse saakay waxey warbaahinta ingiiska qoreen in Red Devils ay bartilmameed ka dhiganeyso kubad sameeyaha xulka Argentina iyo kooxda Benfica Enzo Perez.
Kooxda Valencia ee ku ciyaarta Mastella Stadium ayaa kaga horeysay doonista xidigaan waxeyse Man United dooneysaa iney kasoo afduubato iyadoo ku heli karta 20 Malyan Oo Pound.
28-jirkaan heerka caalami ayaa haatan ka mid ah wiilasha macalin Alejandro Sabella ee koobka Aduunka sidoo kalana xili ciyaareed wanaagsan ayuu Benfica lasoo qaatay.
Mirror ayaa warineysa in Louis Van Gaal xidigaha khadka dhexe uu doonayo lagu soo daray ninkaan gaaban ee ku caan baxay kubad qeybtinta awooda leh.
Sidoo kale Enzo Perez aya heshiis afar sano ah u saxiixay kooxdiisa dhamaadkii xili ciyaareedkaan wuxuuna ka yiri arinta la xiriirta mustaqbalkiisa:
“Aad baan ugu faraxsanahay joogitaanka halkaan, waxaan saxiixa heshiis cusub intaanan Argentina ula safrin Brazil, taasna waxey kuu muujineysa inaan doonayo ilaalinta xirashada funaanada kooxda Benfica”
“Waxaan ku dareemayaa wanaag kooxda Benfica, waana ogahay in kooxda isku dayi doonto iney sida wanaagsan ii sameyso, waana tixgelin doonaa go’aan walba oo ay ig aqaadato”
Ricardo Rodriguez (Daafaca Swiss iyo Wolfsburg)
Dhanka kale kooxda Old Trafford ku ciyaarta ayaa sheeda ka daawaneysa daafaca bidix ee Wolfsburg iyo xulka Switzerland Ricardo Rodrguez kaas oo wacdaro ka dhigay koobka Aduunka.
Xidigaan reer Swiss ayaa sanadihi lasoo dhaafay waqti fiican ku qaadanayay horyaalka Bundesliga haatana United ayaa dooneysa iney usoo dalacsiiso Premier League.
Maareeya ciyaaraha Wolfsburg Klaus Allofs ayaa ka hor koobka Aduunka shaaciyay in kooxdiisa ay ilaashaneyso xidigaheeda ugu muhiimsan.
Profile