Kooxda Manchester United ayaa Kulan Adag la qaadatay Kooxda Bayern Leverkuson ee kasoo Jeeda Dalka Germany waxayna kusoo Idlaatay .4-2 .
Kulankaan oo ahaa mid aad u Xiiso Badna Isha lagu haayey Macalinka United oo Markii ugu horeysay Uefa Champions League qabtay Kooxda Manchester United iyo Fellaini oo isna Kulankiisii ugu Horeeyey ee Ueafa Champions League Saftay.
Kulanka oo ku bilowday dardar aadna Mooday In United ay si wanaagsan isku soo diyaarisay ayaa waxaa U Suurta Geshay inay Hesho Goolkii ugu horeeyey ee Cayaarta waxaana Qalinka ku duugay Weeraryahanka Ay ku tashato Weyn Rooney Daqiiqadii 22 ee Qeybtii hore Cayaarta Kadib markii uu Evra Baas Macan ka helay Kadibna uu dhulka ugu garaacay Goolhayaha Bayern Leverkuson, Sidaas ayaa
Markii la isku soo laabtay, ayaa waxaa Leverkuson u suurta gashay inay hesho goolkii Barbardhaca daqiiqadii 54 waxaa u saxiixay S. Rolfes.
Markii Cayaarta ay Noqotay barbardhac Xiisaha Kulankaan ayaa sii batay waxaana United u suurta gashay 5 Daqiiqdo kadib inay Heshoo Goolkii Labaad ee Cayaarta oo Si Fiican uu u dhaliyey Van Persie waxayna noqotay 2-1 oo ay Hoggaanka ku qabatay United.
Waxaa Rajadii Liverkuson soo afjaray Weyn Rooney oo Gool uu sifiican usoo habeystay shabaqa ku hubsaday daqiiqadii 70-aad cayaartana waxayna noqotay 3-1, wuxuuna Rooney muujinayey Dadaal Dheeri ah Maadaama Macalinkiisii Hore ee Ferguson uu u sacabo tumayey.
Leverkuson ayaa markaan Sifiican u quusasatay markii daqiiqadii 79-aad Gool uu kasoo shaqeeyey Rooney uu lugta u geliyey Valencia isagoo Darbo Xooli ah ku riday Goolhayaha Leverkuson inkasoo uu isku dayey inuu celiyo Haddana wuu awoodi waayey waxayna Noqotay 4-1.
Leverkuson ayaa heshay Gool Labaad daqiiqadii 88-aad waxaana Lugtiisa ku saxiixay Ö. Toprak, kulankaana wuxuu kusoo idlaaday 4-2 oo guusha ay ku raacday United.
Guushaan ayaa noqoneyso Mid taariikhi ah Maadaama Macalin Moyes u aheyd kulankiisii ugu horeeyey Uefa Champions league isagoo United u Hoggaamiyey Guul.
Fellaini ayaa Kulankiisii ugu horeeyey ee Euafa Chmapions league saftay wuxuuna u saftay Kooxda Manchester United inkastoo qeybtii dambe ee cayaarta la badalay.
waxaa xusid mudan in halyeygii hore ee United Macalin Ferguson uu xaadir ku ahaa Garoonka si uu niyada ugu dhiso Laacbiinta United oo laga dareemayey Maqnaanshaha Ferguson.
Sidoo kale waxaa xusid mudan in Rooney uu Dhaliyey Goolkiisii 200-aad ee Manchester United