Home » Maxaa Cusub » Manchester United Oo £55 Malyan Ku Dalbaneysa Laba Xidig Oo Ka Tirsan Southampton

Manchester United Oo £55 Malyan Ku Dalbaneysa Laba Xidig Oo Ka Tirsan Southampton


Due saint

Manchester United ayaa ku dhaqaaqeysa qorshe balaaran oo ay kooxda Southampton kaga soo qaadaneyso labada xidig ee Luke Shaw iyo Adam Lallana kuwaas oo wax qabad muuqda soo bandhigay xili ciyaareedkan.

Sportsmail ayaa fahansan in kooxda Manchester United ay kusii siqeyso iney labadaan xidig kasoo qaadato kooxda Southampton madama ay kooxda u baahan tahay dhaqaale.

18-jirka daafaca bidix ka ciyaara ayaa lagu qiimeeyay  £30m, halka xidiga khadka dhexe iyo weerarka ka wada ciyaari kara ee Lallana lagu qiimeeyay  £25m.

Si Kastaba Manchester United ayaa qorshahaan damacsan iney soo afjarto ka hor koobka Aduunka waxaana ay labadaan wiil rajo ka qabaan in lagu daro xulka England ee aadi doona Brazil.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close