Home » Maxaa Cusub » Manchester United Oo £30m Ku Dooneyso Laacib Ka Cayaaro Serie A Bisha January

Manchester United Oo £30m Ku Dooneyso Laacib Ka Cayaaro Serie A Bisha January


Marek-Hamsik-Napoli-Man-Utd

Kooxda Manchester United ayaa lagu wadaa inay £30m ku qaadato Xidiga Napoli ka tirsan ee Marek Hamsik Markii la gaaro Bisha January sida laga soo xigtay Sports Diret News.

Laacibkaan kasoo Jeeda Slovakia ayaa noqday kubad abuuraha ugu wanaagsan Serie A shantii sano ee lasoo dhaafay, welina wuxuu kusii wadaa kooxdiisa Napoli Horumar isagoo ka hoos cayaaro macalinka Cusub ee Rafael Benitez .

26 jirkaan ayaa dhaliyey 11 gool, isagoo 17 kalan caawiyey kooxdiisa, wuxuuna soo jiitay Macalinka Cusub ee Kooxda Manchester United Dacid Moyes.

Macalinka Reer Scot ayaan horyaalka ku bilaaban Qaab la jecleystay tan iyo markii uu xilka kala wareegay Macalinka Hore ee Ferguson, sidoo kalana wuxuu dhibaato kala kulmay suuqa kala iibsiga markii uu waayey dhower laacib oo kooxda Muhiim u ahaa.

Moyes ayaa hadda rajeenaya inuu £30m siiyo kooxda Napoli si uu uga qaato Laacibkooda Hamsik, inkastoo Napoli ay sameyn doonto dadaal kasta oo ay laacibkaan ku ceshan karto.

Napoli ayaa weysay Edinson Cavani markii ay ka iibisay PSG Intii uu furnaa Suuqa, Haddaba Benitez ma doonayo inuu lumiyo laacib kale oo fure u ah Napoli, sidaas darteed lama oga Meesha uu ku dhammaan doono dalabkaan qiimo weyn ee United u fidisay Hamsik.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close